8th September 2024  admin  Category :

Gen. Farxaan Qaroole, taliyihii ciidanka booliska gobolka Banaadir oo qarax miino lagu diley

Howlgal ciidan oo lagu beegsanayay argagixisada Al-Shabaab ayaa waxa ku ku geeryooday Taliyihii Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Aadan .

Taliyaha ayaa ku geeryooday miinno ay dhulka ku aaseen Argagixisada arxan laawayaasha ah ee Al-Shabaab.

Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed G/le Sadiiq Duudishe ayaa tacsi u diray Taliyihii Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Aadan iyo askartii halkaa ku geeryootay inta dhaawaca ahna caamicaad u rajeeyay.

“Waxaan ilaahay u weydiinaynaa naxariistisii jano sareeyaha iyo shuhaadadii la geeriyootay, sidoo kalana inta ku dhaawacantay ilaahay ha u booga dhayo. Argagixisada naf la caariga ahi, marnaba nagama weecindoonto hadafkeena ah xaqiijinta Amaanka Dalka iyo ciribtirka Argagaxisada.” Ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*