7th September 2024  admin  Category :

Dhowaan markii dawladda federaalku ay u soo magcawday wakiilkooda gaarka ah ee dawladda Puntland Wasiirka wasaarada arrimaha dibada dowlada federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse, oo ka soo jeeda Beesha Ciise Maxamuud, Majeerteen, in badan oo ka mid ah Shacabka Puntland ayaa uga carooday sababta caasimaddii la wada samaystay ay beel gaar ah gooni isu siiyeen, dawladda Puntland iyo Federaalkuna ay sidaa ugu aqonsadeen.

Tusaale wasiirka Dekedaha Dawladda federaalka Soomaaliya Cabdulaahi Ilko jiir, wuxuu isu soo sharaxay madaxweynaha Puntland, kuna sigtay inuu ku guulayso hogaanka maamulkaas haddii ayna ka hiilin lahayn Xildhibaanada ka soo jeeday Beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli . Wuxuu wasiiro ka soo noqday maamulka Puntland iyo dawladda Federaalka, wuxuu argagixisada kula dagaalamay gudaha Puntland, wuxuu cadowga Puntland kula dagaalamay Balanbale iyo Xadka Itoobiya, wuxuu noqday Danjire Soomaaliyeed, sababta qura ee uu Ergo ugu noqon waayey dawladda Federaalka waa Caasimaddii Puntland oo laga dhigay Caasimad Beelleed.

Wasiirka wasaarasda arrimaha dibada dowlada federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse, oo reer ahaan loogu soo magcaabay Ergayga gaarka ah ee dawladda Federaalka ee maamulka Puntland, kama xishoon bulshada Puntland inteeda kale, khaladkii dhacayna ma sixin ee sidii ugu fiicnayd ee uu qabiilayste yeeli lahaa ayuu yeelay oo labaddii Isim ee dadka ugu xigay ee ka soo jeeday beeshiisa Ciise Maxamuud ayaa si gaar ah ula kulmay. Waana kuwa qura ee la kulmaya Madaxda Federaalka

Ugu danbayntii Waa khalad, looman mana dul qaadan karo in maamulka Puntland ay Isimada qaarkood ka dhigtaan Warshad u soo saarta Xildhibaanada ay rabaan, kuwan ay gaarsiiyaan maqaam ka sareeya koodii

ALLSANAAG.COM.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*