16th September 2024  admin  Category :

“Waxaanu booqasho iyo salaan ugu tagnay Maxamuud Ciise Yey, oo laba wiil oo uu dhalay ku shahiideen halgankii deegaannada SSC-Khaathmo lagaga saaray duullaankii gardarrada ahaa.

Gobannimada waxa loo huraa waxa ugu qaalisan, wax naf ka qaalisan oo la bixiyaana ma jirto, Maxamuudna wuu hayaa wixii uu u halgamay wiilashiisana uu ku waayey, wax ka qiimo badan in deegaankii gacanteenna yahay, Maamul dadku leeyahayna uu ka jiro ma jirto waa guul iyo hanti u baahan faro adayg iyo ilaalin, wada tashi iyo isgarabsi. Waxaanu ugu ducaynay in Eebbe beddel khayr qaba siiyo Maxamuud Ciise Yey, shahaadada labadiisa wiilna uu ka aqbalo oo uu janno ku abaalmariyo.

Dhammaan shuhahadii Eebbe ha u naxariisto, shahaadada ha u aqbalo. Inta dhaawaca ahna Eebbe ha u gargaaro hana u boogadhayo.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*