18th April 2024  admin  Category :

Gantaal ay middiyo ku xiran yihiin miyaa lagu dilay Al-Zawahiri?

Saacad kaddib qorrax-soo-bixii maalinkii ay taariikhdu ahayd 31-kii Luulyo, Ayman al-Zawahiri oo muddo dheer ahaa hoggaamiyihii Al-Qaacidda ayaa u soo baxay balakoonka dhismaha uu ka deggenaa bartamaha magaalada Kabul – halkaas oo uu u soo baxi jiray marka uu tukado salaadda subax.

Waxaa ay noqotay maalinkiisii ugu dambeeyay ee uu halkaas soo istaago. Saacaddu markay ahayd 06:18 waqtiga maxalliga ah ee Afgaanistaan, labo gantaal ayaa lagu garaacay balakoonka, halkaas oo uu ku dhintay al-Zawahiri oo 71-jir ahaa, balse xaaskiisa iyo gabadhiisa oo gudaha guriga ku jiray ayaysan waxyeello soo gaarin.

Khasaaraha ka dhashay gantaallada lagu garaacay halkii uu taagnaa al-Zawahiri ayaa ku ekaa isla goobtaas oo ma jirin qarax firdhay oo gaaray meelo kale.

Sidee ayay suurtagal ku noqotay in si sax ah loo garaaco goobtii lala damacsanaa gantaalka?

Mareykanka ayaa waxaa horay loogu eedeeyay in duqeymaha uu fuliyo ay gafaan goobtii lagu bar-tilmaameedsaday, taasi oo ay ka dhalato in dad rayid ah ay ku dhintaan.

Balse aan eegno weerarkan iyo nooca gantaal ee la adeegsaday iyo waliba sida loola socday xogta Zawahiri iyo sida ay guud ahaan wax u dhaceen.

Diyaarad aan duuliye lahayn oo ku hubaysan gantaalka Hellfire

Gantaallada is-haga ee Laser-ka

Nooca gantaalka loo adeegsaday wuxuu ahaa kuwa ay saraakiisha Maraykanku ku sheegeen in diyaarad aanu duuliye saarnayn ay ridday laguna magacaabo ‘Hellfire’. Waa nooca ay diyaaraduhu ridaan oo Maraykanku uu u adeegsanayay howlgallada dibadda ee la-dagaallanka argagixisada muddo tobannaan sano ah laga soo billaabo weerarradii 11-kii September 2001.

Gantaalkan waxaa laga soo ridi karaa meelo kala duwan, oo ay ku jiraan helikobtarro, baabuurta dhulka, maraakiibta iyo diyaaradaha dagaalka – ama diyaarad aanu la socon oo ah xeeladda iminka loo adeegsaday dilka Ayman al-Zawahiri.

Mareykanka ayaa la rumeysan yahay inuu dilkii Jeneral Qaasim Soleimani oo ahaa jeneraal Iraani ah uu u adeegsaday gantaalka nooca loo yaqaano Hellfires xilli uu ku sugnaa magaalada Baqdaad, horraantii 2020-kii. Sidoo kale, waxaa uu Mareykanku gantaalka noocan ah u adeegsaday dilkii “Jihadi John” oo ahaa nin u dhashay Britain, kaas oo Suuriya lagu dilay sanadkii 2015.

Sababaha ugu waaweyn ee soo celceliyay in la adeegsado gantaalka nooca Hellfire waxaa ka mid ah in uusan gafin bartilmaameedka, isla markaan uu khasaarihiisa ku koobnaado goobta lala eegto.

Marka gantaal laga soo tuuro diyaarad aanu duuliye saarnayn, qofka hagaya ayaa – mararka qaar iska fadhiya qol ay qaboojiyeyaal ku xiran yihiin oo ku yaalla gudaha Mareykanka, waxa uuna qofkaasi arkayaa muuqaallo toos ah oo ku saabsan bartilmaameedka, kaas oo ay soo dirayaan kamaradaha ku rakiban diyaarada duuliye-la’aanta ah.

Qofka hagaha ah ee muuqaalka kala socda howlgalka ayaa waxaa uu koobaabin galinayaa bartilmaameedka, markaas oo leysarka uu ku hagayo bartilmaameedka.

Marka gantaalka la rido, waxa uu raacayaa dariiqa laysarkaas ilaa uu ku dhaco bartilmaameedka.

Tani waa meesha looga shakisan yahay in duqeynta ka dhacday ee Kabul

Waxaa jira habab qeexan oo si joogto ah ay u raacaan dadka hagaya dayaaradda aan duuliyaha lahayn ka hor inta aysan qaadin tallaabo, si loo yareeyo khatarta iyo khasaarada dadka rayidka ah.

Weerarradii hore ee militariga Mareykanka ama CIA-da, waxaa ka mid ahaa in loo yeero qareenada militariga si ay wadatashi ula sameeyaan ka hor inta aan la bixin amarka howlgalka.

Professor William Banks, oo ah khabiir ku takhasusay dilalka qorsheysan, isla markaana ah aasaasaha machadka siyaasadda iyo sharciga ee jaamacadda Syracuse, ayaa sheegay in mas’uuliyiintu ay ku qasbanaan lahaayeen inay isku dheelitiraan halista dhimashada rayidka iyo qiimaha bartilmaameedka.

“Waxay u egtahay inay aad uga taxaddareen markii ay fulinayeen howlgalkan si ay u helaan meelaha uu joogo iyo waqti ay isaga kaliya ku dhufan karaan oo aysan cid kale wax yeelin,” ayuu yiri Prof Banks.

Dhanka weerarka Zawahiri, waxaa la sheegay, balse aan la xaqiijin, in Maraykanku uu sidoo kale adeegsaday nooc aan la garanayn oo ah Hellfire – R9X.

Sanadkii 2017-kii, hoggaamiye kale oo ka tirsan Al-Qaacida kana mid ahaa ku-xigeennada Zawahiri, oo lagu magacaabi jiray Abu Khayr al-Masri, ayaa la sheegay in lagu dilay R9X Hellfire, mar uu ku sugnaa gudaha Suuriya.

Sawirro laga soo qaaday gaariga uu la socday weerarka kaddib ayaa muujinayay in gantaalka uu gooyay saqafka sare, balse aysan jirin wax qarax ah ama burbur kale oo soo gaaray gaariga.

Dhismaha weerarka lagu qaaday oo uu qiiq ka baxayo

Waxaa weli soo baxaya faahfaahin ku saabsan macluumaadka  sirdoon  ee uu Mareykanku ururiyay ka hor inta uusan fulin weerarka Kabul.

Kaddib weerarka, saraakiisha Maraykanku waxay sheegeen inay hayeen xog ku filan oo ay ku fahmi kareen “qaab-nololeedka” Zawahiri ee guriga – iyo in ay caado u ahayd in balakoonka inuu soo istaago.

Tani waxay muujinaysaa in basaasiinta Maraykanku ay guriga daawanayeen toddobaadyo, haddii aysan ahayn bilo.

Si kastaba ha ahaatee, howlgallada Maraykanka ee noocan ah, had iyo jeer uma dhacaan sidii loo qorsheeyey.

Taariikhdu markii ay ahayd 29-kii Agoosto 2021-kii, diyaarad aanu duuliye saarnayn ayaa weerar ku qaadday gaari marayay meel waqooyiga ka xiga garoonka diyaaradaha ee Kabul, kaas oo lala damacsanaa in lagu bartilmaameedsado laanta maxalliga ah ee kooxda Dowladda Islaamka, taas beddelkeedana waxaa ku dhintay 10 qof oo aan waxba galabsan. Pentagon-ka ayaa qirtay in “qalad laga naxo” uu dhacay.

Bill Roggio, oo ah xubin sare oo ka tirsan Hay’adda Difaaca Dimuqraadiyadda, sanado badanna dabagal ku hayay duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka, ayaa sheegay in weerarka Zawahiri ay u badan tahay “in uu aad uga adkaa” dilalkii hore ee la fulin jiray, maaddaama Mareykanka uu ka soo baxay dalkaas, islamarkaana uusan qalab u oollin goobo ka ag-dhaw.

Duqeymihii hore ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Pakistan, tusaale ahaan, waxaa laga soo duulin jiray Afgaanistaan, halka weerarrada ka dhanka ah Suuriya laga soo qaadi jiray dalka Ciraaq.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*