7th September 2024  admin  Category :

Waxaa laga jeediyey qudbaddo uu qof kasta kaga hadlayey sida loogu baahan yahay nabadgelyo iyo in la dhiso maamul loo dhan yahay. Waxa aan ka hadleeyno waa shirka loogu yeeray, “Shirka dib u heshiisiinta beelaha Galmudug.”

Shirkan ma aheen noocii aan ku naqiin dib u heshiisiinta Soomaalida ee lagaga hadli jiray dadkii ay beelaha iska dilleen, magihii la isku lahaa, cidii gacan ka hadalka hor biloowday iyo sababta uu ku billowday, si dadka ay isku cafiyaan.

Shirkan waxaa abaabulkiisa iska lahaa kooxda Nabad iyo Nolol, mana aheen mid ka yimid quluub ka naxeeysa shacabka Galmudug, mana aheen mid illaahay dartiis loo sameenayey, balse waa mid danno siyaasadeed ay ka danbeesay.

Waxaan la soconaa in Farmaajo iyo Kheeyre ay ku jiraan dagaal abaabulan kaas oo la doonayo in xididada loogu siibo nidaamka waqtiga dheer laga soo shaqeenayey ee federaalka iyo dhameeystirkiisa kaas oo ah midka dadku ay door bideen in lagu kalla badbaado.

Waxa ay ku guulleeysteen in maamulkii Koonfur Galbeed ay geeystaan Laftagareen, taasina waxa ay tusisay kooxdan aragtida yar in dhulka kallana ay la tagi karaan sheekadaa oo kalle. Haddii Baydhabo lagu guuleeystay, taas macnaheeda ma ahan in dalka intiisa kallana ay sidaa oo kalle noqon doonto.Hadaba, shacabka Jubaland ayaa diiday doqonimada lala soo gallay, waxeeyna tuseen in Jubaland aysan ka soconeen sheekooyinka raqiiska ah ee laga soo abaabulay Villa Soomaaliya.

Maanta sheekadii mid la mid ah ayaa la doonayaa in lagu dayo shacabka Galmudug, iyadoona la doonayo in lala wareego talladooda, Galmudugna la keensado qof ay wataan kooxdan Nabad iyo Nolol, waxaana magaalad Muqdisho ka socota waqtigan qorista xildhibaanada Galmudug kuwaas oo noqon doona xildhibaanada soo dooran doona madaxweeynaha Galmudug. Hadaba, su’aasha is weeydiinta leh waxeey tahay, reer Galmudug ma noqon doonaan dad lagu dul socdo, mise waxeey noqon doonaan kuwo iska difaaca nacasnimada loola yimid?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*