18th October 2024  admin  Category :

Karaash ” Muuse Biixi Cunaqabatayn ma saari karo Sanaag”.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa wax lalayaabo oo khibraddaro maamul ah ku tilmaamay cunaqabatayn uu maamulka Hargaysa sheegay inuu saaray gobolka Sanaag oo kamida gobolada Puntland ee kulan saday taariikh guuna, wadajir Soomaalinimo, nabad iyo midnimo.

Kusimaha Madaxweynaha oo ka hadlay arrintaasi ayaa cadeeyey inaanay cidina cuna qabatayn saarikarin ‘DHULKA AWOOWAYAASHA’ ee gobolka Sanaag.

“Arrin aan maqlay oo Muuse Biixi la yiri cunaqabatayn ayuu ku soo rogay Sanaag, waa arrin lalayaabo weeye, Cunaqabatayn mana saari karo, Alle ‘SWC’-na ma saarin. Waxaan farayaa Hay’ddaha uu beenta u sheegayey iyo dowladda Puntland-ba in si deg deg ah looga hortago arrintaasi been abuuur ka ah”. Ayuu yiri Madaxweyne Axmed Karaash.

Sidoo kale kusimaha Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in maamulka Hargaysa taageero argagixisada Al-Alshabaab oo ah cadaw Soomaaliyeed.

”Shabaabka uu leeyay Dhahar ayay joogaan, Shabaab Puntland ma joogto mana taageerto, Shabaab iyo Puntland waa kuwa dagaalku ka dhexeeyo har iyo habeenba, waxaanu leenahay meesha lagu badbaadiyo waa Soomaaliland, xariiq ma gaarsiin reer Burco iyo reer Hargeysa iyo Jeegaanta Midna, halkanna dagaalka ka dhex socda waad la socotaan, markaa Shabaab anagu ma haynee halkaas ayay jiraan, Soomaliland ayaa laga soo taakuleeya.” Ayuu yiri Madaxweyne Karaash.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*