20th September 2024  admin  Category :

Gaari uu Leeyahay Gudoomiyaha Gobolka Bari Oo Qarax Lala Eegtay.

Faahfaahin ayaa haatan ka soo baxaysa qarax goor dhoweyd lala eegtay xaajiyad HILUX ah oo maraysay jidka hotel Jubba ee magaalada Boosaaso.

Sarkaal ka tirsan laamaha amniga magaalada Boosaaso ayaa Saxaafada u sheegay in qaraxa oo jidka kusii Aasnaa lala eegtay gaariga guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) balse guddoomiyuhu uusan la socon gaariga xilliga qaraxu haleelay.

3 askari oo ka tirsan ilaalada guddoomiyaha gobolka Bari ayaa ku dhaawacmay qaraxa waxaana loola cararay isbitaalka magaalada Bosoosaaso sida uu xaqiijiyay sarkaalkan.

Laamaha amniga gobolka Bari ayaa haatan baaritaanno ka wada goobta qaraxaasi ka dhacay iyadoo aan ilaa iyo hadda cidna loo qaban qarax.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*