
7th August 2026 admin Category :
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Fiqi ayaa ka dalbaday Firdhiye inuu ku xoojiyo labaatan gaadiidka dagaalka ah weftiga iyo ciidanka dowlada federaalka ee beri ku wajahan magaalada Dhahar si aan loo soo celin, sida ay ii xaqiijiyeen ilo xogogaal ah.
Dalabka Fiqi ayaa yimi kadib markii laga war helay Puntland inay ciidamo xoogan dhigtay wadooyinka soo galo magaalada Dhahar ayna ka go‘antahay inay is difaacdo.
Xiisada ka taagan Gobolka Sanaag ayaa salka ku haysa doorashada Soomaaliya ee 2026ka oo dowlada federaalku u aragto inay ka qaban karto deegaano ka mid ah Sool iyo Sanaag.







