16th September 2024  admin  Category :

Finland oo dowladda Soomaaliya ka taageereyso dhinacyo badan

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Finland Pekka Haavisto ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay ka taageereyaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha

Mr  Pekka Haavisto oo u waramay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay guulo muhiim ah ka gaartey dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta isagoo intaa ku daday in Midowga Yurub uu Soomaaliya ka taageerayo arrimaha Nabadgelyada iyo dhaqaalaha.

Wasiirka Arrimaha Dibedda  waxa uu xusay inuu la kulmay Madaxda dalka, ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, waxaana uu hoosta ka xariiqay in ganacsatada dalka Finland ay maalgeshi ku sameysan doonaan gudaha Soomaaliya.

Mr  Pekka Haavisto ayaa xusay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Finland ay door muhiim ah ka qaadan doonaan dib u dhiska dalkooda Hooyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*