20th September 2024  admin  Category :

C/raxmaan Faroole oo Puntland u dirsatay inuu ku metalo Aqalka Sare oo fadhigiisu yahay caasimadda Soomaaliya Muqdisho ayaa intii uu xilkaas ku magacawnaa oo kor u dhaafaysa 2 sano waxa uu caado ka dhigtay inuu Garowe isbaaro ugu dhigto dawladda Puntland.

 

2 sano ee Isbaaradu u taalay Garowe waxa uu Faroole si cad u difaaci jiray siyaasadda qar iska xoornimada ah ee madaxa Villa Somalia.

Doorashadii ka dhacay Puntland waxaa xilka madaxweynaha dawlad Puntland ku guulaystay 8dii janaayo sanadkan madaxweyne Siciid Deni oo Faroole taageeray aadna ugu ololeeyey xiligii doorashada.

Faroole waxay villa Somalia siin jirtay baad ay isaga aamusisay uguna kiraysatay inuu madaxweynihii hore Puntland isbaaro xoogan Garowe ugu dhigto.

Faroole waxaa uu ku caan baxay oo ummada Soomaaliyeed ku baratay nin aan waxba xeerin, dantiisa iyo hungirigiisu ay hagaan.

Shalay ayuu isagoo soo dhawaynaya senatoro ka tirsan Aqalka sare afka furtay sidii caadada u ahayd waxa uuna eedayn aan loo meeldayin u jeediyey madaxda dawladda Soomaaliya oo uu difaace iyo taageere u ahaa 2dii sano ee ka horeeyey 8dii janaayo.

Halkan ka daawo eedayntiisa madaxda dawladda Soomaaliya

Faroole wuxuu ka mid yahay dawladda Soomaaliya isagoo xubin ka ah Baarlamaanka JFS labadisa aql mid ka mid ah.

MUXUU KU EEDEEYEY VILLA SOMALIA?

1- Inay dawladda Federaalku faragelin qaawan ku hayso dawlad Goboleedyada dalka, ku darsoo kuma uusan eedayn inay hadda bilaabeene wuxuu ku eedeeyey sanadkii hore iyo kii ka sii horeeyey oo uu difaacaha u ahaa.

2-Inay dawladda Federaalku ku fashilantay shaqadii dastuurka Soomaaliya

3- Inay dawladda Federaalku diiday talo in la siiyo

4- Inay docodocayn ku hayso Baarlamaanada dawlad Goboleedyada dalka, isagooba sheegay inay uga goleeyihiin burburinta dawlad Goboleedyada dalka

5-Wuxuu eedayn culus u jeediyey gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Dhoobo oo uu ku eedeeyey inuu u shaqaynayo Villa Somalia

6-In dawladda federaalka Soomaaliya ay faragelisay doorashii Puntland, iyadoo lacag soo siisay ku dhawaad 30 musharax.

7- Iyo qodobo kale

Daawo Faroole oo amaanaya dhamaan musharixiintii Puntland kuna sifeeyey dhamaantood rag hohaaminkara Puntland, dheegauna in federaalkii Soomaaliya hanaqaaday oo cagihiisa ku istaagay.

Halkaan hoosana ka daawo wixii uu Faroole sanadkii hore iska indhotirayey ee Baydhabo ka dhacay

 

MAXAY KU QOTANTAA EEDAYNTA FAROOLE?

1-Madaxda dawladda Soomaaliya ayaa Faroole gooyey Lacagtii ay siin jireen.

2-Waxa uu saamayn ku leeyahay Madaxweynaha Puntland Deni wuxuuna doonayaa inuu kalsooni kaga kasbado inuu uga hiiliyey Villa Somalia oo khilaaf kala dhexeeyo iminka.

3-Waxaa la gaaray waqtigii ay siyaasiyiinta Soomaaliyeed kala shaqaysan jireen ee ay soo dhawaatay u diyaargarowgii doorashada Soomaaliya, wuxuu Faroole doonayaa inuu maamulida Deni kaga faaiidaysto kana mid noqdo shaqsiyaadka “Road map-ka” doonashada soo socota hagaya oo saamaynta ku leh.

 

FAROOLE & SHACABKA SOOMAAYEED

Shacabka reer Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya fajaciso kuma noqon hadalkiisaan, sababtoo ah waa la yaqaan oo qofkaad taqaan yaa tahay lama yiraahdo.

Daawo Cal Maraykan oo Faroole ka hadlaya

 

Faroole Villa Somalia-da uu maanta eedaynayo soow ma ahan kuwii uu qareenka u ahaa 4 bilood wax ka yar ka hor, yaa maanta ka dhagaysanaya? Yuuse ku qaldi karaa oo u jihayn karaa meesha uu u arko dantiisa maanta?

Faroole saw ma hayn kii shalay lahaa waa imankaraan Garowe wasiirada Villa Somalia si ay u keenaan lacag una fargeliyaan doorashadii Puntland sidii ay Baydhabo ka sameeyeen.

Faroole iyo madaxda Villa Somalia waxaa danta ummadda Soomaaliyeed u dhow Villa Somalia, waxaana mudan in loo hiimiyo iyaga.

Nina caadadiisa kama tago, Faroole na wuxuu caadaystay inuu isbaaro dhigto Garowe, laakiin umma dhigan karo isbaaro Qaranimada Somaliya waana wax lama taabtaan ah oo aanu wada ilaashanayno.

Puntland waa hooyadii federaalka waxayna soo gelisay dib u soo celintii dawladnimada Soomaaliyeed dhiig, maal iyo waqti faro badan kamana yeelayna danayste inuu isbaaro u dhigto.

Farooleha kala qoqobaya reer Puntland carqaladana ku ah horumarka iyo midnimada shacabka Puntland ma hayo dan Soomaaliyeed.

Villa Somalia haday ka gaabiyeen waajibkii loo igmaday, lama qaadan karo inuu Faroole dantiisa gaarkauu u isbaareeyo.

Faroole waligii dan Puntland iyo mid Soomaaliya kama shaqayn, hana loogama fadhiyo.

Faroole wuxuu gaaray waqti uu u baahan yahay in la xanaaneeyo, dadkana laga fariisiyo shidadiisa.

Soomaaliya ha guulaysto, Soomaaliya ha is raacdo.

Dawwo heestii ummaddu way daalan tahay…

Dr Yasiin Jaamac Faarax (Dr Balbalaarshe)

 

Puntlandes.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*