
4th March 2025 admin Category :
Madaxweyne Farmaajo oo mid ka mid ah la Taliyeyaashiisa gaarka u magacaabay xil cusub
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xeer uu soo saaray ku magacaabay Ergeyga u qaabilsan Arrimaha Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadan.
Xeerka uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo oo ku qornaa luqada English-ka ayuu ku magacaabay Mr Balal Maxamed Cusmaan oo noqon doona Ergeygiisa gaarka ah ee u qaabilsan Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadan, taasoo noqoneysa markii u horeysay oo Soomaaliya Ergey u magacawday Mandiqada Gobolka.
Mr Balal ayaa ahaa mid ka mid ah la Taliyeyaasha gaarka ah ee Madaxweyne Farmaajo, isagoo ahaa La Taliye idman oo u qaabilsan dhanka Arrimaha Siyaasadda Dibadda, iyadoo ay qaraabo dhow yihiin.
Magacaabidan ayay dadka odorasa siyaasadda u arkaan mid muujinaya loolanka juquraafiga siyaasada ee Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan dalalka kulaala Badda Cas iyo Gacanka Cadan oo xilligan muhiimad gaar loo arko.
