19th October 2024  admin  Category :

Madaxweyne Farmaajo ha is casilo amaa Safaaradda Imaaraadka Albaabada ha isugu dhufto.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ayaa dagaalkii siyaasadeed ee loo soo dhiibay ee uu horay ugu  qaaday maamulada Jubbalabd iyo Puntland ayaa maanta isagii dib ugu soo laabtay oo curyaamiyey

Madaxweyne Farmaajo,   oo ay marin habaabiyeen koox Federaal diid ah ayaa dagaal siyaasadeed oo gaadmo ah, oo haba yaraatee isaga faaiido ugu jirin   ku qaaday Maamulada Jubbaland iyo Puntland oo ay ahayd inay u noqdaan Saldhig uu dabada la soo galo marka ay arintu ku xumaadaan sida maanta oo kale

Kooxdii Federaal diidka ahayad, ayaa dagaalkii Khaliijka ku milmay oo  qayb ka noqday una soo raray  hadda Soomaaliya, si ay xoogaa shilimo ah uga helaan . Kooxdan Federaal diidka ah oo intooda badan ka soo jeeda Muqdisho waxay la  safteen Qadar. Waxay yiraahdeen wixii  magaca Qadar lagu helo    Muqdisho soo dhaafi maayaan.

Imaaraadka oo dagaal kula jirta Qadar si ay u curyaamiyaan dawladda Farmaajo, iyaguna  waxay xiriir la samaysteen kooxdii Soomaaliya diidka ahayd oo u badan beesha Isaaq

Maamulada Jubbaland iyo Puntland, iyagu Qatar iyo Imaaraatka midna khayr kama helin. Waxayna u badan tahay in Imaaratka gacanta ku dhigo.

Ugu danbayntii siyaasad ahaan sida qura oo madaxweyne u badbaadi karaa waa isaga oo Imaaraadka u gala sidii ay Kenya inoo gashay oo Safiirkeena warqaddii dalka looga saaray u keentay iyaga oo warbaahintooda wata

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*