28th March 2024  admin  Category :

Farmaajo Masiibada ka dhacday Puntlandna ma siyaasadeeyey

Maamulka Puntland hadda waxa uu jiraa dhowr iyo labaatan sano , waxa kale oo degaanada Puntland leeyihiin Isimo soo jireen ah oo degaanadan ka talinayey Qarniyo badan oo ay ka jireen, Abaar, Barwaaqo iyo Col iyo nabadba , waxa degaanada Puntland maanta ku nool ama ku sugan Culumo sanad walba ururiya Malaayiin doolar oo ay ugu tabarucaan ama ku kaalmeeyaan masiibo dhacday markaas ama dan guud sida jid iyo Buundo la dhisayo ama ceel la qodayo , Deganaanada Puntland waxa jooga maalqabeeno si joogto ah u bixiya canshuurta, lacag kalena ugu deeqa Danyarta itaalka Daran.

Maalintii shalay magaalada Qardho ee degaanada Puntland waxa ka da’ay roobab khasaare weyn gaystay oo dad ay ku dhinteen, hantina ay ku baaba’aday.

Markii arintani dhacaday , guud ahaan Soomaalidu waa ka xumaadeen , waxayna bilaabeen sidii ay ugu gurman lahaayee Walaalhooda dhibaataysan . Magaalooyinka, Qarowe, Boosaaso, Gaalkacayo, Badhan, Laascaanood, Waaciye, Dhahar, Carmo, Xidda IMM, isla xalayba waxa laga bilaabay Olole Gurmad.

Madaxweyne Farmajo iyo la taliyaashiisu , iyagu sida ay reer Puntland wax u arkayeen uma arag, markiiba waxa maskaxdooda ku soo dhacay sidii ay bulshada Puntland ay madaxa isugu dhufan lahaayeen haddii ay xoogaa shilimo ah ay ku bixiyaan magaca gurmadka Qardho

Qoraalkii Villa WARDHIIGLEEY, ka soo baxay Maamulkii Puntland, Isimaddi, Culimaddii iyo Maalqabeenkiiba midna lama soo hadal qaadin, waa la garab maray oo waxa loo mahad celiyey Caruurtii reer Puntland ee Face Book ka amaana Nabad iyo Nolol

“Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey isu gurmashada iyo is-garab istaagga ay isu muujiyeen dadka deegaanka, gaar ahaan dhallinyaradii xalay oo idil u taagnaa samata-bixinta qoysaska iyo dadka nugul. Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda in ay Guddi Gurmad Qaran oo deg-deg ah u saarto musiibada daadadkan ku soo rogmaday Qardho.”

ALLSANAAG.COM, NEWS@ALLSANAAG.COM

One thought on “Farmaajo ma inkirsan yahay dawladnimada Puntland

  1. Ahmed Somalilander

    Dawladnimada puntland kulaha adeer mad gooni isu taag ku dhawaaqdan dee laba dawladood iskama aag shaqayn karaan ama gobol bad tahay somalia ah oo dawladu wata xamar joogta ama gooni isu taag ku dhawaaq oo ka hoos bax dawlada Somalia

    Reply

Warning: Attempt to read property "comment_ID" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 677 Warning: Attempt to read property "user_id" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 28 Warning: Attempt to read property "comment_ID" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 48 Leave a Reply to Anonymous Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*