
19th February 2025 admin Category :
Fallanqeyn: Ciidamada Puntland ma soo afjari karaan Daacish?
Illaa 70 maleeshiyo oo Daacish ah iyo ugu yaraan 27 ka mid ah ciidamada Puntland ayaa ku dhintay, in ka badan 40 kalena way ku dhaawacmeen weerarro ismiidaamin ah oo kooxda Daacish ay xalay saqdii dhexe ku qaaday saldhigyo ciidan oo ku yaalla gobolka Bari, iyo dagaal xigay.
Weerarradan ismiidaaminta ah ee lagu qaaday ciidamada Puntland iyo dagaalka fool-ka-foolka ah ee ka dambeeyay ayaa noqonaya kii ugu adkaa tan iyo markii ay Puntland ku dhawaaqday bilowga howlgalkeeda Hilaac bishii December ee sannadkii tegay.
Horaantii bishan, ciidamada Mareykanka ayaa duqeyn ka geystay buuraha Cal Miskaad, weerarkaas oo uu amray Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.
Tan iyo markii uu bilowday howlgalka Puntland ee ka dhanka ah ISIS, Puntland waxay sheegatay inay ku dishay maleeshiyo ka badan 200 oo isugu jira weerarro kala duwan.
Waxaa kale oo dagaalka Puntland uu kusoo beegmayaa iyadoo khilaaf siyaasadeed uu ka dhex jiro Dowladda Federaalka ee Muqdisho iyo maamulka Garowe.
Haddaba, suurtagal ma tahay in si degdeg ah looga adkaado maleeshiyaadka Daacish ee buuraleyda Puntland, haddii aysan Puntland iyo Dowladda Federaalka u midoobin, taageero caalami ahna aan la helin?
Su’aashaas iyo kuwo kale ayuu Maxamed Colaad Xasan weydiiyay Cabdiqafaar Cabdi Wardheer, oo ka faallooda arrimaha Mareykanka iyo Soomaaliya, kuna sugan gobolka Virginia ee duleedka Washington.