16th September 2024  admin  Category :

Faahfaafin ka soo baxaysa wadahadalada Soomaaliya iyo Itoobiya ee wakhtigooda laga soo hormariyey

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku kulmi doona Ankara toddobaadka soo socda si ay uga wada hadlaan khilaafka ka dhashay is-afgaradkii dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland sanadkan, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga.

“Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya waxay soo afjarmi doontaa in Itoobiya ay marin u yeelato badda, islamarkana ay Itoobiya qirto midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee soomaaliya” ayuu Hakan Fidan ku yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay Istanbul Jimcihii.

Ku dhawaaqida Fidan ayaa timid todobaad ka dib markii uu booqday Addis Ababa oo uu la kulmay rai’sul wasaaraha itoobiya Abiy Axmed.

Turkigu waxa uu dhexdhexaadin ka dhex wadaa Itoobiya iyo Soomaaliya, oo xiriirkoodu xumaaday bishii January, markii Itoobiya iyo Somaliland ay sheegeen inay isku afgarteen in 20 km oo bad ah laga kireeyo taa badalkeedana ay Itoobiya aqoonsato Somaliland.

Maxaa loo fasiran karaa hadalka Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga.

Xasan sheekh iyo abiy Axmed

Turkiga wuxuu saaxiib dhow la yahay Soomaaliya, isagoo dhisay iskuulo, isbitaallo iyo kaabayaasha dhaqaalaha, wuxuuna deeq waxbarasho u fidiyay Soomaalida Turkiga.

Sanooyinkii ugu dambeeyay waxaa uu Turkiga ahaa mid si wayn ugu foogan arrimaha gobolka geeska Afrika.

Maxamed Xirsi salaad (Dhegaweyne) oo ah cilmi baare iyo falanqeeye ayaa qaba in hadalka wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ay ka muuqatay kalsooni uu labada dhinac ku qabo.

Waxaa uu intaa ku daray in waqtigii loo qabtay wadahadalada in laga soo hormariyay ay muujinayso in wadahadalada hormaro laga gaaray oo ay rejo jirto.

“Waxaa loo fasiran karaa in wasiirka uu haysto kalsooni dhinaca Soomaaliya iyo Itoobiya taasi oo keentay in uu ku dhiirado in shirki lagu madlanaa inuu dhaco september loo soo wareejiyo Agoosto, taasi waxay ku tuseysaa yadidiilo fiican” ayuu yiri Maxamed.

Mr Maxamed ayaa dhanka kale xusay in haddii ay Itoobiya ay dhacdo in ay hesiiska ka noqoto ay taasi noqon doonto “guul u soo hoyatay” dowladda Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay uga dhigan tahay guul ay dowladu gaartay, mahaduna ay Turkida leeyihiin oo arrintan shaqo fiican ka qabtay” ayuu intaa ku daray.

Maxamed Xirsi salaad ayaa dhanka kale sheegay in Turkiga uu maalgashaday soomaaliya iyo Itoobiya labadaba, islamarkaana uu labada dal-ba saaxiib la yahay taasi oo u sahleysa in uu xal ka keeno wadaxaajoodyada.

“Doorka Turkiga waxaad dareemeysaa 10 sano ee la soo dhaafay inay sii kordhayso dadaalkiisa Afrika gaar ahaan geeska Afrika, Soomaaliya iyo Itoobiya labaduba Turkiga wuu maalgashtay labadiisa gacmood waaye waana sabbata keenaysa in uu isu keeno” ayuu yiri Dhegaweyne.

Haddii ay Itoobiya ka noqoto is-afgaradka sidee u arki kartaa Somaliland?

Abiy axmed iyo Muuse Biixi

Waxaa 1-dii Janaayo magaalada Addis Ababa ku kala saxiixday heshiiska is afgarad ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiiska dekedda ku tilmaantay mid laga xumaado oo aan la qabali karin.

Qareen Guuleed Dafac oo ka faallooda arrimaha Somaliland ayaa sheegay in wali ay jiraan waxyaabo aan kala cadeyn oo ku saabsan wadahadalada, islamarkaana aan laga hordhici karin.

“Waxa jira waxyaabo badan oo aan kala cadeyn sababtoo ah Soomaaliya nafteeda waxay u aragtaa xeebaha Somaliland qeyb ay iyadu leedahay oo ay bixin karto, marka ma kala cadda xeebaha laga hadlayo inay Itoobiya heleyso inay yihiin kuwa ku yaalla Somaliland iyo in ay yihiin kuwa kale ee dhinaca kale dhaca ee badwaynta Hindiya ” ayuu yiri Mr Guuleed.

Waxaa uu intaa ku daray in haddii ay dhacdo in Itoobiya ay ka noqoto is-afgaradka ay Somaliland u arki karto khayaano lagu sameeyay.

“Waxay ila tahay in Somaliland ay u arki doonto inuu yahay arrin heshiis ka bax ah oo ay Itoobiya ku sameysay mana soo dhaweyn doonto, waxaanan filayaa inay ka xumaan doonto inay taasi dhacdo, oo ay u arki doonto in la khayaameeyay oo lagaga baxay heshiiyo muhiim u ahaa inay gasho” ayuu intaa ku daray.

Mr guuleed ayaa farta ku fiiqay in tallaabada iyo sida ay Somaliland uga jawaabi karto ay ku xiran tahay waxa uu ku soo dhamaado wadahadalka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Iyo Itoobiya.

“Tallaabada Somaliland ay qaadeyso xadkeedu waxaa uu ku xirnaan doonaa heshiiskaasi wuxuu noqdo iyo halka uu ku arooro,” ayuu intaa raaciyay.

Guuleed Dafac ayaa dhanka kale sheegay in haddii is-afgaradkii Itoobiya ay dhacdo in laga laabto ay taasi si gaar ah ay u taabanayso madaxwaynaha Soomaaliland oo heshiikani u arkayay mid muhiim u ah dib u doorashadiisa.

“Haddii heshiiskaas laga noqdo waxay si gaar ah u taabanaysaa madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo heshiiska galitaankiisa ka dhigay arrin u muhiim ah isaga iyo dib u doorashadiisa”ayuu yiri Mr Guuleed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*