16th September 2024  admin  Category :

Faahafaahin ku saabsan Soomaali lagu la’yahay dhulgariirkii Turkiga

Tiro Soomaali ah ayaa kamid ah ilaa iyo hadda lagu la’yahay dhulgariirka ba’an ee ku dhuftay dalka Turkiga, sida uu BBC-da u sheegay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay ka cabsi qabto in kumannaan carruur ah ay ku dhinteen dhulgariirka ka dhacay Turkiga iyo Waqooyiga Suuriya. Tirada dhimashada ayaa kor u dhaaftay 5 kun oo ruux, halka dhaawacana uu gaarayo 15 kun, Safaaradaha caalamka ee ku yaalla Turkiga ayaa wado dedaallo lagu caawinayo dadka ku waxyeelloobay dhibaatada.

Baraha bulshada waxaa lagu baafinayay dad sheegay in qaar kamid ah eheladooda lagu la’yahay dhulgariirka ka dhacay dalka Turkiga.

Gabadh ku sugan Soomaaliya ayaa BBC u sheegtay in walaasheed oo lagu magaaco Farxiya Cabdishakuur la la’yahay xilli ay ugu war dambeysay inay ku sugneyd mid kamid ah deegaannada uu ku dhuftay dhulgariirka Turkiga iyagoo aan ka war heyn xaaladdeeda.

Waxay sheegtay in walaasheed ay wax ka baratay dalkaas isla markaana ay shaqo ka raadineysay Turkiga.

Safiir Jaamac Cabdullahi Ceydiid ayaa sheegay in ila aiyo dhowr toban oo qof oo Soomaali lagu la’yahay dhulgariirka xilli ay socdaan howlaha gurmadka ee lagu soo badbaadinayo dadka ku dhex go’doonsan burburka dhismooyinka.

“Qaar kamid ah 52-da ardey waanu la’nahay ilaa dhowr toban waana la’nahay intoodi kale waan haynaa wey nabad qabaan waana ay isku xiran yihiin, ardeyda gobollada wax ka dhaceen wey fiican yihiin laakiin gobol ardey baan la’nahay saacadaha soo socda qaar in aan helno ayaa dhici kartaa maadama dalkii uu kala go’ay marba qaar baa la helaya”.

Dadaallada socda

Burburka ka dhashay dhulgariirka
Qoraalka sawirka,Burburka ka dhashay dhulgariirka

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay inay war hayaan xaaladda Soomaali qaxooti ku aheyd mid kamid ah gobollada uu saameeyay dhulgariirka isla markaana ay nabad qabaan.

“Gobolka Kahramanmaraş gaar ahaan degmada Adıyaman, waxaa degenaa dadweyne Soomaaliyeed oo ahaa qaxootiga u qoran UNHCR oo inta badan u yimid arrimo caafimaad badankooda wey nabad qabaan ilaa hadda khasaare lagama soo sheegin”.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga ayaa xaqiijiyay in aysan jirin Soomaali ku dhimatay dhulgariirka inkasta oo ay baaritaanno lagu baadigoobayo dadka maqan.

“ilaa hadda dadka waa lala la’yahay horta dhimasha laguma tirin karo , weli baaritaan baa socda, qof meydkiisa weli la helay dowladda nooma sheegin waase laga yaabaa inay jiraan meesha waxaa jiraa kala go’ weyn xitaa dadka ka baxsan gobolladaas masoo geli karaan , dadweynaha iskama war hayaan nin walbo meel ayay dhibaatada ku heysataa”.

” Ilaa shaley waxaan la xiriireynay ardeyda waddooyinka ayaa naga xirnaa maanta waxaa noo hirgeshay in aanu dhulka u marinno bas dadkaas kasoo qaadaya oo aan kireynay bas weyn iyaga iyo carruurtooda aan soo qaadno si Ankara u keenno , Ankara jaaliyaddii wey is diyaarineysaa Soomaalidii Ankara daganeyd dhaqaale bey uruurinayaan sidii loo dejin lahaa halkaas”

Wuxuu sidoo kale sheegay in Soomaalida qaar ay ka faa’ideysteen gurmadka dowladda Turkiga ay u fidineyso dadka uu saameeyay dhulgariirka.

Magaalada Gaziantep oo ah halka uu ka bilowday dhul gariirkani ka hor inta uusan ku fidan magaalooyin kale ee Turkiga waxaa ku sugan arday Soomaali ah oo ka mid ahaa dadkii hurdada uga toosay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*