19th September 2024  admin  Category :

Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Beesha Isaaq Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta xafiikeeda kula kulmay Ku-simaha Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG) Marwo Anita Kiki Gbeho, waxaana uu uga mahadcelayay dowrka Xafiiska Qaramada Midoobay ee arrimaha Dowlad dhiska iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha beesha Isaaq Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa Kusimaha Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya uga warbixiyay sida ay uga go’an tahay dib u billaabidda iyo dardargalinta wadahadalada Dowladda Fedaralka iyo beesha Isaaq , iyo sidoo kale in Dowlada Soomaaliya ahmiyad gaar ah siineyso wadahadalaasi.

Ku-simaha Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa u ballanqaaday Ergeyga in ay si dhow ula  shaqeyn doonaan, waxaana ay adkeesay sida diyaarka ugu yihiin in ay Soomaaliya garab istaagaan xili kasta iyo goor kasta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*