6th October 2024  admin  Category :

Erdogan oo u sheegay Sweden inaanay filanin taageerada Turkiga ee xubinimadooda NATO

Istanbul – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa u sheegay Sweden inaanay filanin in dalkiisu uu taageero dalabkeeda ku aaddan inay xubin ka noqdaan isbahaysiga milateriga ee NATO, ka dib mudaharaadadii toddobaadyadii la soo dhaafy ka dhacay magaalada Stockholm, taas oo ay dhigeen kooxo ka soo horjeeda Islaamka, isla markaana taageersan Kurdiyiinta.

Madaxwey Erdogan ayaa si kulul u weeraray tallaabadii u siyaasiga reer Sweden ee Rasmus Paludan uu ku gubay kitaabka Quraanka ah Sabtidii, isaga oo sheegay inay tahay tallaabo meel ka dhac ku ah cid kasta, gaar ahaan Muslimiinta.

Turkiga ayaa si gaar ah uga cadhooday mas’uuliyiinta Sweden, in ay oggolaadeen in bannaanbaxaasi uu ka dhaco bannaanka safaaradda Turkiga ee Stockholm iyada oo ay “ilaalinayaan” ciidamada ammaanku.

Gubista kitaabka barakeysan ee Quraanka ayaa ka cadhaysiisay guud ahaan shacabka dalka Turkiga, xilli dalalka Sweden iyo Finland ay raadinayaan taageerada Turkiga si ay xubin uga noqdaan isbahaysiga NATO.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale dhaleeceeyey in Sweden ay ogolaatay mudaharaadada kooxaha Kurdiyiinta, gaar ahaan kooxka PKK oo dagaal kula jirta dalka Turkiga. ururka PKK waxaa liiska argagixisada ku daray Turkiga, Maraykanka, Midawga Yurub, hase ahaatee aastamohooda weli lagama mamnuucin dalka Sweden.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*