22nd February 2025  admin  Category :

Ehelka nin Soomaali ah oo uu Sacuudigu ku fuliyey xukun dil ah oo BBC-da la hadlay

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Sacuudiga ayaa soo saartay qoraal ku saabsan fulinta xukun dil ah oo lagu fuliyey sida ay sheegtay “mid ka mid ah dadka falal dambiyeedka ka galay gobolka Najran,” sida lagu yiri qoraalka.

Sida lagu daacabay wakaalada wararka ee dalka Sacuudiga ee SPA, qofka lagu fuliyey xukunka ayaa lagu sheegay in dhalashadiisu tahay Soomaali, laguna magacaabo Maxamed Nuur Xuseeen.

Sacuudigu waxay sheegeen in ninkan lagu qabtay isagoo ka ganacsanaya Xashiis gudaha dalka Sacuudiga.

“Ciidamada amniga ayaa awood u yeeshay inay qabtaan dambigaasi lagu eedeeyay, waxaana baaritaanka kadib loo gudbiyay maxkamad si loo sameeyo qaadashada xukunka. Kadib markii maxkamaddii ayaa cadeysayay dambiga lagu eedeeyay, waxaa la amray in lagu fuliyo xukunka dilka ah iyadoo ah ciqaab loo daayay. Xukunkaasi wuxuu noqday mid kama dambays ah kadib markii la raacay, waxaana go’aanka sare ee maxkamada la waafajiyay, sidoo kale amarka boqortooyada ayaa la bixiyay si loo fuliyo go’aaminta sharciga” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee Sacuudiga.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Sacuudigu waxay ku sheegtay warsaxaafadeeda inay xaqiijineyso in dowladda Boqortooyada Sacuudiga ay si dhab ah uga go’an tahay ilaalinta amniga muwaadiniinta iyo dadka deggan dalka iyo ka hortagga mukhaadaraadka, iyadoo lagu ciqaabayo kuwa ka ganacsadaba.

Waxaa kale oo ay sheegeen in Sacuudigu digniin u dirayo cid kasta oo sidaas sameysa, ayadoo la kulmi doonta ciqaabta sharciga ah.

Ehelka oo ka hadlay xukunka dilka ee wiilkooda

Leylo

Leyla Maxamuud Axmed oo ay dhanka hooyada ay walaalo ka yihiin Maxamed Nuur Xuseen Gacal oo ay dowladda Sacuudigu sheegtay in Axaddii lagu fuliyey xukun dil ah ayaa BBC-da u sheegtay in walaalkeed uu muddo toddobo sano ah ku xirnaa dalkaasi.

“Mukhaadaraad layskuma dilee maxaa ka khaldan dowladda Sacuudiga” ayey tiri Layla iyadoo ka hadlaysay xukunka dilka ee walaalkeed lagu fuliyey.

Waxay sheegtay in ehel ahaan ay xogta ka heleen qof waraysi bixiyey oo sheegay in walaalkeed laga qaaday xabsigii uu ku xirnaa.

Ka hor Sacuudiga, waxay sheegtay in walaalkeed Gacal uu muddo dhowr iyo toban sano ah ku noolaa dalka Yemen.

Layla, waxay BBC-da u sheegtay in ay la xiriirayeen oo uu la hadli jiray walaalkeed muddadii uu ku xirnaa xabsiga Sacuudiga uuna u sheegay inuu rajo ka qabo in la soo deynayo.

“Mar kasta ayuu nala hadlayey, soonka xitaa waa lay soo daynayaa ayuu na yiri,”ayey tiri Leylo. Xiriirkii ugu denmbeyey ee dhexmaray Gacal iyo qoyska ayey sheegtay inuu maalintii shalay.

Mar Leyla ay sharraxday sababta loo xiray iyo in walaalkeed u sheegay waxa loo haysto ayey sheegtay, ” Haa, haa muqaadaraadkaas bes ayuu u xirnaa” ayey intaas raacisay.

Iyadoo ka hadlaysay xukunka Sucuudiga ayey sheegtay “inay dood weyn ka qabaan, aysana anficin”.

Waxay intaa raacisay in walaalkeed Maxamed Nuur Xuseeen, uu ahaa qof madi ka ah dhanka aabaha isla markaana lahaa shan carruur ah oo yaryar.

Marka laga soo tago ninkan Soomaaliga ee Sacuudigu ku fuliyey xukunka qoor-goynta ah, ehelada maxaabiis Soomaali ah oo ku xiran dalka Sacuudiga kuna xukuman dil oo horey BBC-da ula hadlay ayaa dalbaday in xukunka laga khafiifiyo, iyagoo loo heysto inay dalkaasi soo geliyeen daroogo.

Sharciga Sacuudiga uga yaalla dadka darooga lagu qabto

Sacuudiga

Dalka Sacuudiga ayaa dadka gala dembiyada ay ka midka tahay daroogada waxaa lagu xukumaa xabsiyo muddo dheer amaba dil qoor-goyn ah.

Heerka dilalka dalka Sacuudiga ayaa laba laabmay tan iyo sanadkii 2015 -sida laga soo xigtay warbixin xuquuqda aadanaha oo sanadkii la soo dhaafay soo baxday – waana sanadkii Boqor Salmaan iyo wiilkiisa Maxamed bin Salmaan ay xukunka qabteen.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa warbixin ay soo saartay bishii September ee sanadkan waxay ku sheegtay in dowladda Sacuudiga ay xukun dil ah ku fulisay in ka badan 198 qof sanadkan 2024 keliya.

Inkastoo marar badan uu Sacuudigu ballan-qaaday yareynta adeegsiga xukunka dilka, ayaa haddana ay sii kordhiyeen, sida ay sheegtay hay’adda.

Fulinta xukunka dilka ee dembiyada la xiriira daroogada ayaa kordhay sanadkan, iyadoo celcelis ahaan uu dalkaasi dil ku fuliyo hal qof labadii maalmoodba, sida ku xusan warbixinta hay’adda.

Qunsuliyadda Soomaaliya ee magaalada Jeddah ayaa muddo 3 bilood ka hor laga joogo BBC u xaqiijisay in ay jiraan Soomail ku xiran meel u dhow xuduudda Sacuudiga iyo Yemen. Qunsulka Soomaaliya ee magaalada Jeddah Axmed Maxamuud Diiriye (Macaruuf) ayaa BBC u sheegay inay ka war hayaan maxaabiistaas oo tiradooda uu ku qiyaasay 45 – 50, ayna ugu tageen halka ay ku xiran yihiin.

Wuxuu intaa ku daray in lagu qabtay ayagoo Sacuudiga soo gelinaya xaddi badan oo daroogo ah, sida uu dhigayo sharciga Sacuudigana lagu xukumay dil, laakinse aan lagu fulinin dilka maadaama dawladda Soomaaliya ay arrinta soo fara gelisay oo ay kala hadashay mas’uuliyiinta sacuudiga, kuwaasoo tixgelin siiyey codsiga dawladda Soomaaliya.

“Waxaan u sheegnay sacuudiga in dadkaas Soomaalida ah ee la qabtay ayagoo dalka daroogo soo galinaya ay isugu jireen kuwo aan ogsoonayn dambiga ay mutaysan karaan oo jahli uu u geeyey iyo qaar lagu khasbay in ay daroogada qaadaan, sidaa darteedna waxaan dawladda Sacuudiga ka codsannay in dilka loogu beddelo xabsi” ayuu yiri qusulka Soomaaliya ee Jeddah, Macaruuf.

Wuxuu kaloo qunsulku u sheegay BBC in wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya uu arrinta kala hadlay dawladda Sacuudiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*