
30th April 2025 admin Category :
Farxiya, oo umushay Baardheere wax waa looga qaban waayey, Soomaaliya inteeda kale inay aadona waa loo diiday waana dhimatay Allah ha u naxariistee

Farhiya Xuseen Caraale, waxay ku umushey isbitaal ku yaalo baardheere, kadibne waxay bilowdey dhiig bax saa’id. Muda 7aad ah oo lala tacaalayey waxay dhakhaatiirta sheegeen in aysan waxbo ka qaban karin magaaladaas
Magaalada Baardheere, ee gobolka Gedo ee gabadha ku umushay ayaa dhowr bilood waxaa cunaqabatayn dhanka cirka ah saaray dawladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Xasan Culusoow
Magaalada Baardheere iyo caasimadda Soomaaliya Muqdisho ee la doonayey in la geeyo umusha ayaa waxay isu jiraan 590km, sidaas awgeedka ehelkii gabadha waa ku adkaatay arintaasi.
Farhiyo, eheladeeda waxay go’aansadeen iney baabuur ku qaadan, kuna geeyaan Baydhabo kadibna diyaarad ugu sii qaadan Muqdisho.Hase ahaatee, nasiib xumo Farhiyo waxay ku naf baxdey baabuur dushiisa iyadoo duur mareyso
Haddii ay diyaaradi ka soo bixi lahay degmada Baarddheere, oo xasan culusub uuna hub ahaan u isticmaali lahayn cunaqabatayn waxay marxuumad Farxiyo heli laheyd gargaar degdeg ah, iyadoo ay ku qanci lahaayeen eheladeeda hadii ay dhimato iyadoo loo fidiyay gargar caafimaad.
Qof kasta o Soomaaliyeed xil ayaa ka saaran inuu ka hadlo dulmigan cunaqabataynta ee saaran gobolka Gedo