27th November 2022  admin  Category :

Dastuurka iyo sharciga Soomaaliya muxuu ka qabaain hay’adihii dawladda loo istcmaalo khasnad gooni loo leeyahay oo inta lacag laga soo saaro loo isticmaalo sidii la doono ama loogu deeqo meeshii la doono. Sharci ahaan shaqaale shirkadeed ama hay’adeed lavag dhexdooda waa iska qaaraami karaan oo cidda ay doonaan waa ugu deeqi karaan. Laakiinse dawladnimadu maaha sidaan doonaan ka yeelayaa wixii ku soo dhaca khasnada aan madaxda ka ahay

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa lacag dhan $10,000 ugu deeqay Dadka ay saameeynta ku yeesheen fatahaadaha Webiyada Dalka, si wax loogu qabto dadkaasi Soomaaliyeed oo dhibaatooyinka lasoo gudboonaadeen.

Mas’uuliyiinta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa Lacagtaas ku wareejisay Guddiga Qaran ee gurmadka fatahaadaha,si ay u gaarsiiyaan dadkii loogu talagalay.

Xubnaha guddiga ayaa uga mahadceliyay hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo howlwadeenadeeda sida ay uga qeyb qaateen u gurmashada walaalohooda oo dhibaataysan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*