7th September 2024  admin  Category :

Labbo haween ah ayaa ku wadda ummulay Cisbitaal, labbadii haween ayaa mid kasta waxeey dhashay wiil. Hadaba, labbadii dumarka ahaa ayaa mid kasta waxaa soo booqday qooyskeedii. Reerkii ugu horeeyey ayaa billaabay ineey cunuga yar u duceeyaan, waxeey yiraahdeen wiilka illaahay haka dhigo kii dadkiisa iyo diintiisa aanfaca, waxaana la yiri “aamiin”.

Reerkii kalle ee cunuga loo dhalay ayaa iyaguna markoodii waxeey billaabeen ineey cunuga dhashay u duceeyaan, waxeeyna yiraahdeen, “Illaahoow cunugeena haka dhigin callooshiis u shaqeeyste, shillinka dhaafsada dadkiisa, mid dhuunta uun wax ka maqla, illaahoow haka dhigin mid sharafta shillinka dhaafsada.”

Hadaba reerkii kalle ee haweeneeyda kalle u yimid ayaa maqlayey ducadda reerka kalle ay cunuga ugu duceenayeeyn, waxeeyna yiraahdeen anagu wiilka waxaan ugu ducceeynay kii dadkiisa iyo diintiisa aanfaca, idinkuna callooshiis u shaqeeyste iyo dhuuni raac inuusan noqon ayaa ugu duceeyseen.

Waxeey ugu jawaabeen, “haddii qofka uusan callooshiis u shaqeeyste iyo dhuuni raac uusan aheen uu diintiisa iyo dadkiisa wax tarayo, balse idinku wiilkiina waxaad ugu duceeyseen kii dadkiisa iyo diintiisa anfaca oo kalliya mana aydin soo hadal qaadin in wiilka uusan noqon callooshiis u shaqeeyste.”

Reerkii hore ee u duceeyey wiilka ayaa iyaguna waxeey yiraahdeen. “hadii wiilka loogu duceeyo kii diintiisa iyo dalkiisa anfaca, uusan noqon doonin mid dalkiisa iyo dadkiisa iibsada oo ducadaas ayeey wax walba ku dhantahay.”

Hadaba, Soomaalida carruurtooda oo dhan ayaa loogu duceeyey kii diintiisa iyo dalkiisa anfaca, balse waxeey noqdeen kuwo xaaraan cun ah, daba dhilif ah, ciida iyo dadka iibinaya, dalka cadaw ku soo hoggaaminaya, dadka xasuuqaya, iyo wax kastoo diinta ay xarimtay. Hadaba, ma tahay ducadii hore ee ahaa kii diintiisa iyo dadkiisa anfaca in la beddelo oo loo beddelo midda ah in cunuga uusan noqon callooshiis u shaqeeyste, dalkiisa iibiye, dhuunta wax ka maqle, sharaftiisa iibsade, dadkiisa xaraashe, iyo meel xun wax ka raadshe?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*