16th September 2024  admin  Category :

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Shirkadda diyaaradaha Itoobiya ay fulisay dalab ay u dirtay

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airline ay aqbasha in ay beddesho bogeeda tigidhada laga goosto oo marka Hargeysa loo socdo qeexaya in ay tahay Somaliland.

Warqad ay shirkadda Itoobiya soo dirtay ayay ku sheegtay in wakhti loogu daro si’ay arrintaas u hirgeliso balse Hay’adda duulista rayidka ah ee Soomaaliya ayaa diiday codsigaasi.

Agaasimaha waaxda warfaafinta iyo xidhiidhka dadweynaha ee Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Rayidka Maxamed Cabdi Cismaan (Faradheere) ayaa BBC u xaqiijiyay arrintan.

Agaasimaha ayaa sheegay in Shirkadda ay xiriir la soo sameysay wasaaradda iyo hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ayna arrimahan ka wadahadlee

Dhanka kale wasaaradda gaadiidka iyo hay’adda duulista rayidka Itoobiya ayaa BBC u sheegay in ay”aqbaleen islamarkana saxeen” codsi uga yimid dowladda Soomaaliya.

Duulimaadka magaalada “Hargeysa” oo markii hore mareegta Ethiopian Airlines, ku qornaa oo kali ah Hargeysa ayaa galabta loo bedelay “Hargeysa, Soomaaliya”.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey ugu eedeysay shirkadda in ay ku xadgudbayso qarannimada Soomalaaliya islamarkana ay tahay in ay saxdo khaladkaasi.

Warqad ka soo baxday hay’adda duulista rayidka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay, inay shirkadda “Ku xad-gudubtay Qaranimada”; Waxaana lagu xusay in arrintan ay la xiriirto ereyga ay shirkaddu u isticmaasho meelaha ay ay diyaaradaheeda ka degaan.

Hore waxa ay Ethiopian Airlines ku sheegtay Duullimaadkeedii ay ku tagto Magaalada “Hargeysa”, “Somaliland”.

Hay’adda duulista rayidka Soomalaiya ayaa ku hanjabtay haddii shirkadda aysan aqbalin dalabkooda ay ka joojin doonaan hawada Soomaaliya.

Isku day ay BBC sameysay inay kula xiriirto shirkadda diyaaradaha ee dalka Itoobiya ayaan wali noo suurgalin, islamarkana kama aysan jawaabin wicitaankeena

Garoonka Adan Cade

Ma aha markii ugu horaysay ee ay isku dhacaan shirkadda Ethiopian Airlines iyo dawladda Soomaaliya tan iyo markii ay jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ay heshiis dhanka badda ah la saxeexatay dowladda Itobiya.

Bishii January, Diyaarad ay leedahay Shirkadda Ethiopian Airlines oo ku sii jeeday magaalada Hargeysa, ayaa waxaa dib u celiyay Hay’adda Duulista rayidka Soomaaliya, ka hor intii aanay soo gelin hawada Soomaaliya.

Sidoo kale, Bishii February, Diyaarad ay leedahay Shirkadda Ethiopian Airlines oo ku duuleysay Hawada Soomaaliya ayaa muran ka dhashay ka dib markii sida la sheegay ay isku dhici gaareen diyaaradda shirkadda dalka Qatar.

Heshiiski addis ababa

Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa magaalada Addis Ababa kowdii bishii janaayo ee sanadkan ku kala saxiixday heshiis is afgarad ah.

Is afgaradka ayaa dhigayey in Itoobiyo laga kireeyo dhul badeed dhan ilaa 20 kiilo mitir, taas badalkeedana ay Itoobiyo aqoonsi siiso Somaliland.

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa si weyn ugu hortimid heshiiska iyadoo ku tilmaamtay in Itoobiya ku xadgudubtay midnimada Dhuleed iyo qaranimada Soomaaliya.

Xiisadda ka dhalatay arrintaas ayaa cirka isku shareertay iyadoo labada dal ay eedeymo isku jeediyeen.

wadahadalo uu gar-wadeen ka ahaa Turkiga ayaa dhawaan lagu soo gabgabeeyay magaalada Ankara.

Wadahadaladaasi oo wareegii labaad galay ayaa wax natiijo ah ka soo baxin waxaana oo balamay wareeg saddexaad.

Dowladda Itoobiya ayaa ku adkeysanaysa in aysan ka noqonayn heshiiskii ay la galeen Somaliland halka dowladda Soomaaliya ay ku adkeysanayso in uusan heshiiskaasi sharci ahayn islamarkana ay tahay in laga laabto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*