8th September 2024  admin  Category :

Dowladda Soomaaliya oo deeq lacag ah ku wareejisay Dowladda Turkiga 

Dowladda Soomaaliya oo maanta wareejisay 5-malyan Doollar oo ay dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed uga qeb qaadanayaan u gurmashada walaalaha Turkiga oo uu dhawaan dalkoodu ka dhacay dhul gariir qasaaro geystay.

Munaasabadda lacgta lagu wareejinayay oo lagu qabtay xarunta Tiyaatarka Qaranka waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin uu kamid ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baalmanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya ,Xildhibaanno ,xubnno ka tirasan golaha Wasiiradda iyo wakiila ka socday Beesha Caalamka iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadda.

ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo hadal ka jeediyay goobta, ayaa ku dheraada kaalinta walaalnimo ee dowladda iyo shacbka Turkiga ay ka qateen u gurmashadda dadka Soomaaliyeed “Abaalka uu Turkigu ku leeyahay dadka Soomaaliyeed waxaa sabab u ahaa Madaxweyne Erdugan.” Ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe

Ra’iisul Wasaare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre,ayaa ugu horreyn u mahadceliyay guddiga gurmadka walaaha turkiga iyo dhammaan shacabka Soomaaaliyeed oo ka jawaabay baqii Dowladda ee ah ka qebqaadasha sidii loogu gurman lahaa dhibatadii ka dhalatay dhul gariir ku dhuftay dalka Turkiga oo dad fara-badan ay ku dhinteen waxa u sheegay in dhibaatadasi  shacbka soomaaliyeed ay bartay in ay ka qeyb qaadan karaan wax kasata oo ay u midoobaan.

“Dhibaatada Turkiga ka dhacday waxaan ka baranay in dadka Soomaaliyeed ay qaban karaan wax kasta oo ay u midoobaan.”sidaa ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Wasiirka Wasaaradda Arrimha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalim  Fiqi ayaa yiri “$4,818,477 dollar, una dhiganta ku dhawaad 100 milyan oo lacagta Turkiga ah ee Lira ayaan ka uruurinay umadda Soomaaliyeed, 20-kii maalmood ee lasoo dhaafay, si gurmadka walaalaheen Turkiga aan ugu qeyb qaadano.”

Guddoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed Cabdikariin Gabeyre oo ku hadlayay afka ganacsatada Soomaaliyeed ayaa sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay kaalin weyn ka qateen howlaha gurmadka ayna sii wadi doonaan inta la soo dhameystirayo gurmadka socda.

“Maanta waxaan si hordhac ah u wareejinaynaa taakulo aan uga qeyb qaadaneyno gurmadka walaalaheen reer Turki, waana sii wadi doonaa.” ayuu yiri Cabdikariin Gabeyre.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*