5th June 2025  admin  Category :

Dowladda cusub ee Kanada oo hirgalineysa sharciyo adag oo xakameynaya soo galootiga

Dowladda Kanada ayaa soo jeedisay sharci cusub oo xaddidaya qaybo ka mid ah hannaanka sheegashada magangalyada isla markaana siinaya hay’adaha dowladdu awood dheeraad ah oo ay ku joojin karaan hab-socodka codsiyada soo galootiga.

Wasiirka socdaalka ee Kanada, Lena Diab, ayaa sheegtay in sharciga cusub ee la yiraahdo Strong Borders Act (Sharciga Xuduudaha Adag) uu ujeeddadiisu tahay in lagu xakameeyo dambiyada abaabulan iyo qulqulka daroogada iyo hubka sharci darrada ah, iyadoo sidoo kale la xoojinayo “daahfurnaanta iyo hufnaanta” nidaamka socdaalka ee dalkaas.

Sharcigani waxa uu bixinayaa awood dheeraad ah oo ay boolisku ku kormeeri karaan xuduudda Kanada la wadaagto Mareykanka.

Sidoo kale, waxaa laga yaabaa inuu mamnuuco in qof degganaa Kanada in ka badan hal sano uu dalbado magangelyo. Laakiin dhaleeceeyayaashu waxay sheegeen in sharcigan, oo oggolaanaya in la ballaariyo awoodda dowladda ee baaritaanka taasoo xadgudub ku ah xuquuqda muwaadiniinta.

Sharcigan la soo jeediyay ayaa yimid iyadoo cadaadis xooggan la saaray Kanada – waddan si taariikhi ah ugu furfurnaa martida cusub – si loo xadido tirada muhaajiriinta, maadaama adeegyada dadweynuhu ay aad ciriiri u noqdeen, islamarkaana ay jirto dhibaato ba’an oo guryo la’aan ah.

Dowladdii hore ee Ra’iisul Wasaare Justin Trudeau waxay ku tiirsanayd bartilmaameedyo socdaal oo aad u ballaaran si kor loogu qaado dhaqaalaha, taasoo keentay in si weyn kor ugu kacdo tirada dadka ku imanaya Kanada shaqo ku-meel-gaar ah iyo waxbarasho ahaan.

Sidoo kale, waxaa sare u kacay tirada codsiyada magangalyo doonka, iyadoo dadku ay sugayaan illaa laba sano si dacwadooda loo dhageysto sababo la xiriira dib-u-dhacyo iyo xad-dhaafka codsiyada.

Ra’iisul Wasaare Mark Carney, oo ku guuleystay doorashadii federaalka bishii Abriil, ayaa ballan qaaday inuu wax ka qaban doono heerka socdaal ee aan la xamili karin ee dalka.

Sida uu hadda qabo sharciga socdaalka ee Kanada, qofka magangalyo doonka ah wuxuu dalban karaa magangelyo marka uu yimaado albaabka laga soo galo dalka, sida garoonka diyaaradaha, ama marka uu horeyba u joogo gudaha Kanada – iyadoo aan la xaddidneyn muddada uu ku sugnaa dalka ka hor inta uusan codsan magangelyada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*