19th September 2024  admin  Category :

Jiirka Bulaacadaha oo ay badbaadiyeen Ciidanka dab demisku.

Magaalada  Bensheim ee dalka jarmalka,  ayaa ciidankooda gurmadka deg dega ah  waxa ku soo dhacay Telefoon aan caadi ahayn oo lagu leeyahay Jiir naaxsan oo ka mid ah kuwa Bulaacadaha ama Boosaneerooyinka dhex orda ama ka qaraabta  ayaa Misigta iyo qaarka danbe la galay daboolka  godka  ay ku dhacaan biyaha Bulaacaduhu. (sewer manhole).

Shaqaalaha badbaadiya xayawaanada  (animal rescue) oo horay ugu sugnaa goobta lagu badbaadinayo jiirka  ayaa waxa markii danbe   soo gaaray dhowr iyo tobon ka mid ah ciidanka dab demiska oo ka qayb qaadanaya badbaadintiisa.

Sida Afhayeenka Dab-demisku sheegay waa la bad badiyey Dooligii.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*