7th September 2024  admin  Category :

Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka iyo Shiinaha oo lagu arkay meel u dhow Maraykanka

Maraykanka ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Ruushka iyo Shiinuhu inay ku soo dhowaadeen xuduudda hawada sare ee Maraykanka gaar ahaan agagaarka xeebaha gobolka Alaska.

Xoghayaha difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin ayaa u sheegay saxaafadda in wararka sheegaya in diyaaradaha Ruushka iyo Shiinaha ee lagu arkay meelo u dhow xeebaha Maraykanku inaanay ahayn wax lala yaabo, isla markaana aanay haatan jirin khatar degdeg ah oo ay ku hayaan amniga Maraykanka.

Xoghayaha ayaa sheegay inay leeyihiin awood ciidan oo ku filan oo ay ku ilaalin karaan ammaanka Maraykanka, isaga oo intaas ku daray inay si dhow ula socdeen diyaaradahan, isla markaana ay ka hortageen ciidamada Maraykanku, taas oo muujinaysa in ciidamada Maraykanku ay heegan ku jireen.

Waxa uu sheegay in haddii diyaaradaha Shiinaha iyo Ruushku ay mustaqbalka dhow sameeyaan duulimaadyo kuwan la mid ah, in ciidamada Maraykanku ay diyaar u yihiin.

Taliska difaaca hawada sare ee Maraykanka ee qaabilsan dhinaca woqooyi ayaa Arbacadii la wadaagay masuuliyiinta Maraykanka, inuu jiro dhaqdhaqaaq ay wadaan diyaaradaha Ruushka iyo Shiinuhu.

Taliska difaaca hawada sare ayaa sheegay inay dabagal ku sameeyeen labada diyaaradood, kuwaas oo ku soo xadgudbay aagga aqoonsiga difaaca hawada ee Maraykanka ee ADIZ.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*