16th October 2024  admin  Category :

Dil loo gaystay nin lagu tuhmay in uu aflagaadeeyay diinta oo xiisad ka abuuray Pakistan

Booliiska koonfurta Pakistan ayaa toogasho ku dilay dhakhtar lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay nabi Maxamed – nabadgalyo dushiisa ha ahaato – arrintaas oo ay cambaarayeen kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda.

Dr Shahnawaz Kanbhar waxaa lagu dilay “si kadis ah” markii ay rasaas isweydaarsadeen askar aan ogeyn inuu isaga yahay, sida uu sheegay taliyaha booliiska deegaanka ee gobolka Sindh Niaz Khoso.

Dr Kanbhar ayaa dhuumasho bilaabay Talaadadii ka dib markii lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay nebiga iyo inuu baraha bulshada ku faafiyay waxyaabo aflagaado diineed ah.

Waa tuhmanihii labaad ee looga shakisanaa in uu aflagaadeeyay diinta ee Pakistan lagu toogto muddo toddobaad gudihiis ah.

Sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray booliiska, askarta ku sugan magaalada Mirpur Khas ayaa Arbacadii isku dayay inay joojiyaan labo nin oo saarnaa mooto, si ay u baaraan gaarigooda.

Halkii ay ka yeeli lahaayeen amarka la siiyay, ayay warbixintu sheegtay in mid ka mid ah raggaasi uu rasaas ku furay askarta. Waxaana dhacay dagaal fool ka fool ah, kaas oo uu ku baxay Dr Kanbhar.

Boolis

Is-rasaaseynta kadib ayay ahayd markii ay askartu ogaadeen in ninka ay toogteen uu ahaa Dr Kanbhar, sida uu sheegay Khoso, oo ah taliyaha booliiska deegaanka. Qofkii labaad ee saarnaa Mootada ayaa baxsaday.

Sarkaal kale oo booliis ah oo lagu magacaabo Khas Asad Chaudhry, ayaa BBC Urdu u sheegay in Dr Kanbhar uu si kama ah ugu baxay ganacnta saaxiibkiis ay wada saarnaayeen mootada.

Si kastaba ha ahaatee, qof qaraabo la ah Dr Kanbhar ayaa BBC Urdu u sheegay in lagu dilay dhaqtarka “iska hor imaad been been ah” – in kasta oo booliska Pakistan ay arrinkaas beeniyeen.

Wasiirka arrimaha gudaha ee gobolka oo lagu magacaabo Sindh Zia-ul-Hasan Linjar ayaa amray in baaritaan madax banaan lagu sameeyo dhimashada Dr Kanbhar.

Dilka Dr Kanbhar ayaa ku soo beegmaya todobaad kadib markii askari uu rasaas ku furay gudaha saldhig boolis oo ku yaalla magaalada Quetta ee koofur-galbeed, halkaasi oo uu si xun ugu dhaawacay tuhmane kale oo loo haystay eedeymo aflagaado diineed ah.

Falka lagu dilay dhaqtar ka ayaa dhaleeceyn xooggan kala kulmay Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Pakistan (HRCP), oo sheegay inay “aad uga walaacsan yihiin dilka sharci-darrada ah ee lagu dilay labada tuhmane.”

“Tirada gacan ka hadalka ka dhashay aflagaadada diineed ee eedeeyay ciidamada ammaanku inay ku lug leeyihiin, waa arrin walwal cusub leh” ayaa lagu yiri bayaan la soo saaray Jimcihii.

Dr Kanbhar ayaa la toogtay maalin kadib markii Islaamiyiinta Umerkot ee aagga ka dhow ay sameeyeen mudaaharaad ay ku dalbanayeen in la xiro oo ay gubeen xaruntiisii caafimaad.

Dhacdadan ka dhacday gobolka Sindh ayaa ku soo beegmaysa todobaad ka dib markii askari uu rasaas ku furay gudaha saldhig boolis oo ku yaala magaalada koonfur-galbeed ee Quetta, isagoo si xun u dhaawacay tuhmane kale oo lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay diinta.

Ninkan ayaa la xiray Arbacadii la soo dhaafay ka dib markii ay ciidamada ka soo badbaadiyeen dad careysan oo sheegay in uu aflagaadeeyay nabiga.

Balse qoyska iyo qabiilka uu ninkaasi ka dhashay ayaa sheegay inay cafiyeen sarkaalka, isla markaana uu ninkaasi dhaawacay shucuurta Muslimiinta, isagoo aflagaadeeyay nabiga, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*