7th September 2024  admin  Category :

Diidiinka ugu da’da weyn dunida ee u dabaal dagaya dhalashadiisa iyo waayihii uu soo maray

Diidiinka ugu da’da weyn dunida oo lagu magacaabo, Jonathan oo ku nool dalka Seychelles, ayaa waxaa loo dhigayaa toddobaadkaan munaasabad loogu dabaal dagayo dhalashadiisii 191-aad. Wuxuu dhigay rikoor cusub oo waxaa uu noqday Diidiinka dunida ugu da’da weyn ee abid la diiwaan geliyo.

Jonathan ayaa lagu qiyaasaa in uu dhashay sanadkiii1832, ka hor intii aan la hindisin waxyaabo badan oo dunida maanta si weyn looga adeegsado sida teleefoonnada iyo waxyaabo kale.

Mudadii uu noolaa waxaa dalka Mareykanka soo maray 40 madaxweyne, halka 31 guddoomiye ay soo mareen Saint Helena oo ah jasiiradd yar oo ku taalla badda Atlantic.

Helena waxaa si weyn loogu yaqaanay inay tahay hoyga ugu dambeeya ee uu ku noolaa Napoleon Bonaparte,oo ahaa hoggaamiye caan ku ahaa kacaankii Faransiiska, kaasoo markii dambe geeriyooday isagoo dibad jog ahaa kadib markii looga adkaaday dagaalkii u dhaxeeyay Ingiriiska iyo Faransiiska ee Waterloo.

Haraagii maydkiisa ayaa loo soo wareejiyay magaalada Paris, iyadoo laga keenay Jasiiradda St. Helena sanadkii 1840-kii 42 sano ka hor intii uusan Diidiinka Jonathan halkaa tegin.

In kasta oo da’diisa saxda ah aan loo garanayn, Jonathan haddana si buuxda ayuu u koray markii hadiyad loo siyay guddoomiyihii jasiiradda Seychelles sanadkii 1882, taas oo khubaradu ay sheegeen in loo maleynayo in xilligaas uu jiray ugu yaraan 50 sano.

Sanadkii la soo dhaafay, Diidiinkaan waxaa loo asteeyay in xilliga dhalashadiisa ku beegantahay dDecember 4, 1832 – laakiin khubarada ayaa sheegaya in ay u badan tahay inuu xitaa intaa ka weyn yahay.

Jonathan oo ah diidiinka ugu cimriga dheer dunida

Diidiinka noociisa ah ayaa la sheegaa in ay noolaan karaan celcelis ahaan 150 sano.

In kasta oo uu da’ weyn yahay, Jonathan haddan dhakhtarka xayawaanaadka Joe Hollins ayaa u sheegay Guinness World Records. ayaa qaba “in tabardarri ay ka muuqato hadda Diindiinkaa,.”

Waxaa is dhimay aragiisa iyo si guud awoodiisa.

“Weli gacanta ayaa lagu quudiyaa hal mar todobaadkii iyadoo la siinayo miraha iyo khudaarta .

Wxayaabaha lagu quudiyo ayaa u badan waxyaabo siiniya fiitamiinnada muhiimka ah ee u wanaagsan dheef-shiidka.

Jonathan wuxuu caan ka yahay hadda jasiiradda uu ku noolyahay iyo jasiiradaha kale ee ka ag dhow.Marka laga yimaado waxyaabaha la siiyo wuxuu ku noolyahay cowska, isagoo ku nool guri dhir badan.

Waxaa jira Diidiin kale dhedig ah laguna magacaabo Frederika, oo jasiiradda timid 1991-kii, iyadoo hadiyad ahaan qunsuliyadda Faransiiska u siisay guddoomiyaha St. Helena,.

Waxaa la sheegay in Diidiinka Jonathan uu xiriir la smaeeyay Frederika oo xitaa uu jaceyl ka dhaxeeyo.

Sanadkii 2017, Frederika waxaa loo keenay dhakhtarka xayawaanaadka si uu uga daweeyo dhaawac ka soo gaaray qolofta. Jonathan ayaa hadda ku nool nolol farxad leh.

Da’da diiinka ee horey su’aasha loo geliyay

Dad soo booqday Diidiinka

Guri boqortooyo oo ku yaal dalka Nigeria ayaa 2019-kii shaaca ka qaaday in Diin ku noolaa halkaas uu ku dhintay da’da 344, Diinkan oo la oran jiray Alagba oo micnaheedu yahay ‘Kii da’da weynaa’ wuxuu ku noola guriga boqortooyada ee Ogbomoso ee gobolka Oyo ee waddankaas.

Diinkan waxaa bil kasta dhaqaalen jiray labo shaqaale oo howshoodu aheyd inay cunto siiyaan.

Dadweynaha waxay rumeysanaayeen inuu lahaa awood dabiici ah uu wax ku daweyn karo isla markaasna waxaa looga soo daawasho tegi jiray deegaanno fog fog.

Noolahan wuxuu ahaa mid si weyn loo qaddarin jiray, waxaana guriga boqortoyada keenay boqorkii saddexaad ee maamulkaas soo maro sanadihii 1770 iyo 1797.

Khuburrada seyniska waxay su’aal geliyeen da’da Diinka halka kuwo kalena ay sheegeen in aysan suurogal aheyn in 344 uu jiray Diinka.

Tim Skelton oo ka howlgala xarun duur joog oo ku taal Bristol ee dalka Ingiriiska wuxuu sheegay in Diinka uu noolan karo 200 sanno balse arrintaas ay tahay mid dhif iyo naadir ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*