23rd December 2024 admin Category :
Madaxweyne Farmaajo oo soo gaabinaya booqashadiisa Itoobiya
Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo gaabinaya booqashadiisa dalka Ethiopia kadib markii maanta magaalada Muqdisho lagu dhex toogtay wasiirkii hawlaha guud ee dowlada Fadaraalka Cabaas Cabdullaahi Siraaje.Qoraalo uu madaxweynuhu soo dhigay bartiisa twitterka ayuu ku shaaciyay inu soo gaabinayo safarkiisa kuna soo laabanayo dalka si uu murugada ula qeybsado shacabka Soomaaliyeed.Qoraalada madaxweynaha ayaa uqornaa sidan
"Waxaan soo gaabinayaa booqashadeyda Ethiopia si aan uga qeyb galo baroor diiqda iyo aaska Qaran ee wasiir Cabbaas"
— Villa Somalia (@TheVillaSomalia) May 3, 2017
"I've ordered the security heads 2 immediately get to the bottom of this unfortunate tragedy & make sure the perpetrators r brought to book"
— Villa Somalia (@TheVillaSomalia) May 3, 2017