19th September 2024  admin  Category :

Garowe: 04 August 2024, Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland Mudane Ilyaas Osman Lugatoor oo ay wehelinayeen wasiirka wasaaradda caafimaadka Siciid Jamac Qorsheel iyo wasiiru dawlaha mudane Ahmed Sheekh Farax ayna goobjoog ka ahaayeen wasiiradda shaqada iyo shaqaalaha iyo haweenka Puntland ayaa maanta xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka ka dhagax dhigay dhismaha nuujinta hooyada ee wasaaradda caafimaadka Puntland.

Dhismaha ayaa usahli doona hooyooyinka shaqaalaha wasaaradda caafimaadka Puntland, waxaana u fudayn doonta doontaa ilmaha in hooyada loogu keeno xarunta shaqada kadibna ay ugu nuujiso, waa markii ugu horeeyay ee qaybtaan laga hirgaliyo xarumaha dawladda Puntland wasaaradda caafimaadka ayaana hormuud ugu ah waxaana sida la xusay laga hirgalin doonaa dhamaan xarumaha caafimaadka iyo dawladda.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa masuuliyiinta waasaaradda ku bogaadiyay hawsha baaxada leh ee ay hayaan waxaana uu xusay in dhismaha nuujinta hooyada laga hirgaliyo xarumaha dawladda.

Dhagax dhiga waxaa kala qaybgalay wasiirka shaqada iyo shaqaalaha iyo wasiirka

wasaraadda Haweenka Puntland, agaasimaha guud ee wasaraadda Dr Mohamed Mohamuud Xidig iyo qaar kamid ah agaasimayaasha wasaaradda iyo saraakiisha wasaaradda caafimaadka Puntland.

Dhagax dhiga ayaa qayb ka ah xuska Todobaadka Naasnuujinta Aduunka oo ku beegan todobaadka koowaad ee bisha August

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*