
28th April 2025 admin Category :
DHISMAHA HAY’ADDA AQOONSIGA DADWEYNAHA PUNTLAND (PID).
Boosaaso: 09 April 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 04 ee 9-Ka April 2025 kuna saabsan Dhismaha Hay’adda Aqoonsiga Dadweynaha Puntland (PID).
Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.
Markuu arkay: Baahida loo qabo Dhismaha Hay’adda Aqoonsiga Dadweynaha Puntland.
Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland.
Wuxuu xeeriyey: –
1. Waaxaa la dhisay Hay’adda Aqoonsiga Dadweynaha Puntland (PID).
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.