17th May 2025  admin  Category :

MAXAA KEENAY IN CARUURTA ‘ REER MILXO, SANAAG’ AY KA HARAAN CARUURTA KALE EE SOMAALIYEED

Magaalada Milxo ee gobolka Sanaag, waxay ku taalaa bogcadaha aduunka ugu qaalisan oo ugu kahyraadka badan mid ka mid ah, waana Bogcad hodon ku ah Dahabka iyo macdanta kale, hase ahaatee Caruurteedii ay ka waxbarasho la’yihiin.

Maxay ku dhacday.

Marka laga yimaado Dawladda Soomaaliya ee uu hogaamiye Xasan Culusoow, oo dhulka Soomaaliya u taqaan degaano gaar ah ee ku yaala Koonfurta Soomaaliya, sidaas awgeedna ayna soo gaarin deeqihii Waxbarasho iyo caafimaad ee caalmku ugu talo galay Caruurta Soomaaliyeed, waxa eeda iska leh dadka degaanka oo caruurtooda ka reebay , caruurta kale ee Soomaaliyeed.

Mgaalada Milxo, oo ku can baxday in dahabka laga qoto ayeey ahayd in dadka Dahabka soo saara laga qaado canshuur lagu daboolo baahiyada bulshada degaanka u baahan yihiin, taaas bedelkeeda ayaa waxay noqotay in ganacsato Boosaaso iyo Dubai joogaan dadkii degaanka u dhayna lagu maamulo caruurtooduna ayna wax baran.

Ugu danbayntii, haddii sida ay wax u jiraan wax laga bedelin oo ay caruurtani waxbarasho la’aan ku sii jiraan markii ay weynadaana waxa qalin ku maamuli doona kuwo degaano kale oo Soomaaliya iyo caalamka yimid. Tani waa digniin weyn

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*