19th September 2024  admin  Category :

Mawjaddii uu Camey ka hadli jiray oo maanta laga maqlayo Dhoba daareed oo ka hadlaya

BY: Shiine Culay

Gudoomiyaha Baarlmaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhooba–daareed, wuxuu ku soo hakaday Muqdisho halkaas oo uu kula soo kulmay saraakiil ka tirsan Villa Soomaaliya iyo Safaarada Qadar, waxaana loo soo xilsaaray inuu qalalaase siyaasadeed ka abuuro Puntland.

Hadalkii uu maanta ka sheegay Garoowe ee ahaa in talada lagu wareejiyo baarlamaanada mar hadii Madaxweynayaashii heshiin waayeen wuxuu ahaa mid sharci daro ah oo qardo jeex ku ah dastuurka Puntland.

Dhoobadaareed oo lacagtii uu doorashada ku galay ay bixisay Dowlada Federaalku sheki kuma jiro inuu u buuxiyey xilkii uu u hayey Camey oo markii dambe lagu abaal mariyey safaarada Soomaaliya ku leedahay Itoobiya.

Reer Puntland waa inay ka digtoonaadaan dhagarta Muqdisho looga soo maleegay oo ay iska qabtaan shakhsiyaadka dhaqaalaha ku soo qaatay burburinta iyo dibin daabyada maamulkooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*