7th May 2025  admin  Category :

Dhacdooyinka argagaxa leh ee ninkan Soomaaliga ah ka xusuusto tahriibayaal xoog badda loogu daadiyay

Maxamed Cabdullaahi Maxamuud waa 35 jir.

Waligiis maaha mid illaawaya safarkii uu doonta kaga soo raacay Jabuuti kuna aaday Yemen. Wuxuu dhoofay isagoo 20 jir ah.

Wuxuu ka tagay Soomaaliya isagoo raadinaya nolol dhaanta tan uu markaa ku jiray.

Waddada tahriibayaasha Afrika ka imaanaya ee Yemen waxa loo yaqaan ‘Eastern Corridor’.

Waa mid ka mid ah waddooyinka ugu badan ee ay maraan muhaajiriinta, laakiin kama taxadaraan khatarta dhabbahaas.

Maxamuud waxa kale oo uu sheegay in jidkani yahay kan ugu khatarta badan.

“Muddo 30-daqiiqo ah markii ay socotay ayay doontu billowday inay sabbayso, mukhalasiintii Yemeniyiinta ahaa ayaa billaabay inay ku hadlaan luuqadda Carabiga, waxay doonayeen inay tahriibayaasha ka daadiyaan doonida, kaddib toddoba qof oo Itoobiyaan ah ayay xoog ku qabteen oo badda ayay ku tuureen,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Inkasta oo waddadu khatar tahay, haddana boqollaal kun oo muhaajiriin ah ayaa waddadan sannad walba mara.

Sida laga soo xigtay Xarunta Socdaalka ee Mixed, ilaa 100,000 oo qof ayaa Yemen ka soo gala Afrika sannad kasta.

Qaxootiga ayaa u badan Itoobiyaan. Sidoo kale waxaa tahriibaya muwaadiniinta dalalka kale ee Bariga Afrika sida Soomaaliya iyo Jabuuti.

Doonta uu la socday Maxamed ayaa waxaa saarnaa 47 Itoobiyaan ah, shan Soomaali ah iyo labo qof oo Yemeni ah oo dadka tahriibin jiray.

“Aad ayay cabsi u ahayd, biyaha ayaa soo galayay doonta, waxaan isku daynay inaan biyaha ka hortagno, ma aanan hubin inaan sii noolaan doonno,” ayuu yiri.

Yemen ayaa waxaa hareeyay dagaallo sokeeye tan iyo 2014-kii. Tahriibayaasha ayaa isku dayaya inay galaan Sacuudiga. Tirada shaqaalaha looga baahan yahay Sacuudiga ayaa aad u badan.

Sida ay sheegtay Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM, iyadoo inta badan qaxootiga ay magan-galyo dhaqaale raadsadaan, dhalinyarada, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobollada Amhara iyo Oromia ayaa ka cararaya colaado iyo xabsiyo.

‘Jidka Bari’

Tahriibayaal Itoobiyaan ah
Qoraalka sawirka,Tahriibayaal Itoobiyaan ah

Muhaajiriinta sharci-darada ah ayaa ka gala magaalada Lahij ee koonfur-galbeed ee Yemen iyagoo sii maraya Obaq oo Jabuuti ka tirsan.

Tahriibayaal ka baxa Boosaaso, Soomaaliya, ayaa gaara xeebta Shabwah ee Koonfur Bari Yemen.

Maxamed labada dhinacba wuu u safray. Shan saacadood ayay ku qaadatay inuu ka soo ambabaxo Jabuuti si uu u gaaro Lahij.

Markii uu Soomaaliya ku laabtay 2014-kii dhanka Yemen ayuu ka soo galay magaalada Boosaaso ee ee Puntland. “Safarkii labaad kama baqayn, kii hore ee Jabuuti kaga soo baxay, wuxuu ahaa mid dheer, waxay nagu qaadatay 24 saacadood inaan ku tagno Yemen,” ayuu yiri.

Sida laga soo xigtay Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Qaramada Midoobay, Waddada ugu badan ee Yemen loo maro waa Jabuuti.

2023 oo kaliya, 106,000 oo Itoobiyaan ah ayaa galay Jabuuti. Waxay toddobaadyo ka soo safrayeen dalkooda si ay u gaaraan xuduudka Jabuuti.

Qoxootiga ka imaanaya gobolka Axmaarada ayaa 400 oo kiiloo mitir socda si ay u gaaraan Oboq.

Waxay raacaan baabuur ama lugta ayay maalaan. Xilliga xagaaga, heerkulku wuxuu gaaraa 50 darajo Celsius.

300 oo daollar ayay siiyan dadka dadka tahriibiya ee ku sugan xeebaha waxayna isku dayaan inay ka gudbaan gacanka cadmeed.

Sida ay sheegtay Aila Bonfiglio, oo ah agaasimaha gobolka ee xarunta socdaalka isku dhafka ah, ka ganacsiga dadka waa ganacsi ay dad badani ku lug leeyihiin.

“Haddii 100,000 oo muhaajiriin ah ay bixiyaan 300, taasi waa dhaqaale gaaraya 30 milyan oo dollar,” ayay yiraahdeen.

La’aanta dowlad shaqeysa ee Yemen waxay abuurtay jawi suuragelinaya in dad badan ka shaqeeyaan tahriibinta dadka.

Sida ay sheegtay hay’adda socdaalka caalamiga ah, 1,400 oo tahriibayaal ah ayaa ku qaraqmay badda 10-kii sano ee la soo dhaafay.

Aila ayaa dhankeeda ku qiyaastay in tiradu intaas ka badan tahay.

“Dadkan tahriibayaasha ah ee bari waa kuwa ugu khatarta badan qaaradda, doomaha ay si sharci darro ah uga gudbaan badda waa burbursan yihiin,” ayay tiri, isagoo sabab uga dhigay khatarta.

Waxay ku macneeyeen in aan si dhab ah loo ogeyn tirada qaxootiga ee dhimatay.

Marka laga soo tago caqabadaha ay tahriibayaasha kala kulmaan wadada, waxaa sidoo kale ka faa’ideysto mukhalasiinta tahriibiya dadka.

“Waxaan la hadalnay 350 tahriibayaal ah, waxay sheegeen in dadka tahriibiya ay marin habaabiyeen safarkooda,” ayay tiri Aila.

“Waa kuwa wax tahriibiya oo u soo bandhiga si ay uga faa’ideystaan, waxaa loo geystaa tacadiyo jireed, dhac iyo jir dil,” ayay adalkeeda ku dartay Aila Bonfiglio.

Muhaajiriinta Afrikaanka ah ayaa sidoo kale u nugul in looga faa’iideysto dalalka ay gaaraan marka ay badda ka gudbaan.

Xitaa ka dib markii ay ka gudbeen Yemen oo ay colaado aafeeyeen oo ay galeen Sucuudiga, ka faa’iidaysiga ayaa sii socda.

“Dagaalku safarkayaga wuu sii adkeeyay,” ayuu yiri Maxamed.

Waxa uu xasuustay in uu Yemen ka soo lugeeyay oo uu Sucuudiga u socday 11 maalmood. Waxay ka gudbeen xuduudka iyaga oo aan haysan cunto iyo biyo ku filan.

“haweeney nala socotay ayaa gaajo iyo haraad u dhimatay,” ayuu yiri.

Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale ka horjoogsata qaxootiga inay ka gudbaan xuduudkooda

Maxamed Cabdullaahi Maxamed
Qoraalka sawirka,Maxamed Cabdullaahi Maxamed

Warbixin ay soo saartay Human Rights Watch 2023 ayaa lagu sheegay in ilaalada xuduudaha ay dileen boqolaal muhaajiriin Itoobiyaan ah.

Qaxootiga iyo magangalyo doonka oo gudbayay xadka dalka Yemen kuna sii jeeday dalka Sacuudiga.

Waxaa lagu qiyaasaa in ay jiraan ku dhawaad 750,000 oo Itoobiyaan ah oo ka shaqeeya guryaha iyo dhismayaasha ee Sucuudiga.

Sida ay ku warrantay xarunta socdaalka ee Mixed Migration, shaqaalaha muhaajiriinta ah ayaa la duudsiiyaa xuquuqdooda.

“Waxaa lagu qasbaa in ay ku noolaadaan dhuumaaleysi si ay uga fogaadaan in ay bartilmaameed ka dhigato dowladda Sacuudiga.

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale dib u celin doonta dadka sharci darrada ku jooga dalalkooda.

Maxamed waxa uu Soomaaliya ku soo laabtay 2021-kii kaddib markii uu ka soo shaqeeyay muddo shan sano ah.

Maxamed, oo darawal ka ah Muqdisho, waa aabe leh shan carruur ah.

In kasta oo ay adag tahay in dib loogu noqdo Soomaaliya, haddana waxa uu kula talinayaa in aan qofna u haajirin dal shisheeye.

“Ha ka quusanina dalkaaga rajada, samir, jidkaas masaafurinta ah waa mid aad u xun,” ayuu yiri Maxamed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*