19th September 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Puntland Madaxweynaha Puntland oo Shacabka Soomaaliyeed Ugu Hambalyeeyey 26 Juun iyo Todobaadka Xorriyadda. 26 Juun iyo Todobaadka Xorriyadda.

Garoowe, Juun, 26, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeyey 59 guuradii kasoo wareegtey markii gobolada Waqooyi ee Soomaaliya xorriyadda ka qaateen gumaystihii Ingiriiska, calan Soomaaliyeedna laga taagey dhul Soomaaliyeed iyo guud ahaan Todobaadka xuriyadda ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaan halkaan hambalyo uga dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaan ugu hambalyeynayaa sanad guuradii 59-Aad ee kasoo wareegatay markii xorriyadda gobolada waqooyi qaateen 26’ka Juun taas oo ahayd iftiinkii ugu horeeyey oo gayiga soomaaliyeed ka curtay, Waxay sidoo kale hambalyadaydu hor dhac u tahay asbuuca xorriyadda Soomaaliyeed iyo midowgii labadii gobol ee waqooyi iyo koonfur oo ay kala gumaysan jireen Ingiriis iyo Talyaani”

“Waxaan sidoo kale si gaar ah u xusayaa halyeeyadii ka qeyb qaatay halkankaas dheer oo dadka Soomaaliyeed xorriyadda loogu raadinayey, Waxaan filayaa intoodii badnayd way dhimatay ama waxay ku jiraan cimri, waxaan u rajaynayaa intii dhimatay in Alle u naxariisto inta noolna caafimaad waara oo farxadeed in uu siiyo Eebbe, Waxaan marwalba xasuusanaan doonaa dadkaa halyeeyada ahaa ee kasoo qeyn qaatay sidii dalku u noqon lahaa dal xor ah, waxaan kaloo jiilka hadda nool ku baraarujinayaa xorriyaddaas wakhtiga iyo dhiigu kusoo baxay dayaca ku dhacay iyo burburka siyaasadeed iyo maamul ee dalka Soomaaliyeed haleelay” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Deni wuxuu Alle “SWC” uga baryey Soomaaliya inuu ka yeelo mid xasiloon, midawda oo walaalowda, wuxuu u hambalyeeyey ciidamada Soomaliyeed, wuxuu la dar-daarmay siyaasiyiinta.

“Waan rajaynaynaa haddii Alle idmo sanadaha dambe in ay noqdaan sanadihii Caafimaadka buuxa ee Soomaaliya, horumar balaaran baan u rajaynayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, Waxaan Alle uga baryeynaa in dowladda Soomaaliyeed ay noqoto mid gudata waajibaadka ummaadda Soomaaliyeed ka sugayso, waxaan runtii u hambalyeynanaa dhammaan ciidamada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, iyaga iyo xaasaskooda oo ah udub dhexaadkii xorriyadda iyo midnimada Soomaaliyeed iyo adkayntii dowladnimada”.

“Waxaan u rajaynayaa in gobalada Soomaaliyeed ee Waqooyi iyo Koonfur ay noqdaan gobollo midaysan, hormarsan, wixii ay kala tabanayaana miiska wada hadalka ku xaliya, ka fogaada gacan hadalka iyo dhiilada, u soo jeesta in ay noqdaan dad Alle meel ku wada beeray oo walaalo ah oo si wanaagsan u wada noolaada dal qura noqdaan, dowladda qura noqdaan, hormarka dadka iyo dalka ka shaqeeyaan”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*