3rd December 2022  admin  Category :

Madaxweynaha Puntland Oo Qado Sharaf U Sameeyay Hoggaanka Dhaqanka ee Gobolka Bari:

Garoowe: 20 December 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qado Sharaf ugu sameeyay deegaanka Jibigalle ee duleedka Garoowe, qaar ka mid ah Hogaanka dhaqanka ee Gobolka Bari oo maalmahan ku sugnaa Garoowe.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, qaar ka mid ah xubnaha labada Gole ee Dowladda, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland, Hoggaanka Dhaqanka, Ganacsato iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey kaalinta muhiimka ah ee hoggaanka dhaqanku ku leeyihiin Dhismihii iyo illaalinta jiritaanka Puntland, wuxuuna kula dardaarmay inay halkaasi hore ugasii wadaan kana shaqeeyaan nabadgelyada, midnimada iyo horumarka Puntland.

Hogaanka Dhaqanka ee Gobolka Bari ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey qado sharafta iyo is- xogwareysiga, waxayna sheegeen in marwalba ay dhaqanku garab taagan yihiin dowladdooda, illaalinta nabadgelyada iyo horumarka Puntland.

Image may contain: 1 person, standing, sky, tree, grass, outdoor and nature
Image may contain: one or more people, people standing, grass, wedding, sky, plant, cloud, tree, outdoor and nature
Image may contain: 6 people, people sitting
Image may contain: 5 people, people sitting, tree and outdoor

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*