19th September 2024  admin  Category :

Deni oo afur iyo casho sharaf u sameeyey Madaxda Soomaaliyeed ee ku sugan Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo afur iyo casho sharaf u sameeyey Madaxda Soomaaliyeed ee ku sugan Puntland, gaar ahaan Caasimadda Garoowe.

Hadhimo sharafeedka Afurka iyo Cashada ah oo ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Garoowe ayaa waxaa goob joog ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Laftagareen, Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, masuuliyiinta Goleyaasha DFS, kuwa Dowladdaha xubnaha ka ah DFS, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale

https://www.facebook.com/PuntlandStateHouseOfficial/videos/1230899207084990/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*