31st October 2024  admin  Category :

Degmada Buraan oo markii ugu horeysay yeelanaysa xarun caafimaad

Isbitaalkan oo ay isu xilqaameen dadka deegaanka goboolka Haylaand, gaar ahaan degmadda Buraan ayaa waxaa ku fadhiyo dhul weyn , iaydoo dhaqalaaha ku baxaya uu dhan yahay Labo boqol oo kun oo doolar

Ugu horeyn waxaaa isubtaalka dhismihiisa iyo sida uu ku socon doono ka warbixiyey Dr Cabdirsaaq Cismaan Baha-lcadde oo ka mid ah hawl wadeenadda isubitaalka, waxa uuna oo ku baaqay in lagala qeyb qaato dhismaha isbitaalka guud ee degmada Buraan.

Dr Jaamac Cumar Cali ayaa dadka deegaanka ugu baaqay in ay isku tashadaan oo kala qeyb qaataan dhismaha isbitaalka degmada

…Waxan u sheegya in loo bahaan yahay in qof kasta oo deegaanka ah iyo dhaammaan umada samah jecel in ay ka qeyb qaataan dhismaha isbitaalkaasi ayuu hadalkiisa ku daray Dr Jaamac Cumar Cali

Sawirka Maxamed Axmed.

Oday Mursal Maxamud Cabdi iyo ganacsade Maxmud Axmed kullan ayaa dhankooda Bulshadda ku baraarujiye dhismaha goobtan waxa ayna u mahad celiyeen Bulshadda isu xilqaantay dhismaha isbitaalka.

Gudoomiyha gobolka Hayland Maxamed Cawil Cabdullaahi ayaa dadweynaha reer Buraaan ku amaanya nidaamkan isku tashiga ah ee lagu dhisaayo Cusbitaalka degmadda Buraan

Sawirka Maxamed Axmed.

Horseed Media

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*