16th September 2024  admin  Category :

Axmed Karaash oo Shir usoo xiray degmooyinka iyo Gobolada Puntland ee ay ka socdaan mashaariicda horumarin ee JPLG ee degaan kala sooca Puntland

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir usoo xiray degmooyinka iyo Gobolada Puntland ee ay ka socdaan mashaariicda horumarin ee JPLG.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa bogaadiyey mashaariicda horumarin ee ka socda degmooyinka, wuxuuna faray masuuliyiinta sii dardargelinta horumarka, xoojinta wada-shaqeynta Degmooyinka iyo Gobolada iyo dhaqangelinta sharciga cusub ee Dowladdaha hoose ee Law-7 si uu hirgalo qorshaha Maamul daadejinta.

Shirkan oo maalmo socday waxaa ka qeybgalay Maayarada degmooyinka, Isu-duweyaasha, Guddoomiyeyaasha Gobolada Puntland ee ay ka socdaan mashaariicda horumarin ee JPLG, Machadka Dowladdaha Hoose ee Puntland, Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland oo Shirka soo diyaarisay iyo Wasaaraddaha kala shaqeeya mashaariicda horumarin ee degmooyinka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*