16th September 2024  admin  Category :

Waa maxay sababta Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay  uga cabsadaan inay ka jawaabaan waalida siyaasiyiinta SNM ay habeen iyo maalin la hor fadhiyaan Warbaahinta.

labaatankii sano ee ugu danbaysay siyaasadda Soomaaliya waxa ku soo siyaaday oo sii xoogsanaysa in Siyaasiyiinta Isaaq waxay doonaan u  sheegaan umadda Soomaaliyeed  oo la waayo qof u jawaaba.

Arin kasta oo khusaysa Beesha Isaaq iyo degaankoodu in laga hadlo  waxay noqday waxa afka qalaad loogu yeero Taboo.

Siyaasiyiinta Isaaq waxay yiraahdeen Calana ayaanu keenay Koonfurta Soomaaliya 1960 . Waxa la yiri yaan laga hadlin Calanka ay Koonfur keeneen midabka uu lahaa.

Siyaasiyiinta Isaaq waxay yiraahdeen dawladdii Siyaad Bare ayaa na xasuuqday, Waxa la yiri yaan laga hadlin in Ismaaciil  Cali Abokor, Ina Lax was inay ka mid ahaayeen golihii sare ee kacaanka oo ay xasuuqa wax ka gaysteen.

Siyaasiyiinta SNM, waxay yiraahdeen Soomaali anaa ugu Mujaahidiin badan, Waxa la yiri yaan laga hadlin inay xasuuq Isir nacayb ah u gaysteen beelaha kale ee Soomaaliyeed ee dega Waqooyiga Soomaaliya.

Siyaasiyiinta SNM Waxay yiraahdeen Somaliland baa nala yiraahdaa, Soomaali inteeda kale waa ka go’nay. Waxa la yiri yaan lagu  sheegin Somaliland inay tahay Isaaqland.

Siyaasiyiinta Isaaq waxay yiraahdeen Somaliland iyo Soomaaliya ayaan u wada hadlaynaa. Iyada oo la ogyahay in Somaliland ay tahay Isaaq land ayaa la yi ri yaan la waydiin in Reer Waqooyi ay  wada socdaan oo ay ku dhan yihiin wada hadalada ay la gelayaan Koonfurta Soomaaliya

Siyaasiyiinta Isaaq ee ku jira Baarlamaanka Soomaaliya marka ay sadbursi raadinayaan waxay sheegaan in Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland ee ku matala Baarlamaanka ay yihiin saddex meelood meel. Waa Been lagamana hadli karo tiraada ay sheeganayaa

Ugu danbayntii  aamusnaantii  ay  Siyaasiyiinta Soomaaliyeed  ka aamusnaayeen waalida SNM, waxay siisay kalsooni iyo dhiiranaan ay waxay doonaan maanta  sheegaan, iyaga oo kalsooni ku haysata in ciddi u jawaabi doonin. Waxayna marayaan inay maanta yiraahdaan Muqdisho ayaan ka tagaynaa iyo dhibka Soomaaliya inuu yahay maqnaanshaha Faysal  Cali Waraabe iyo kuwa la mid ka ah

 

Durdura Geel Baa Ku Jabay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*