7th September 2024  admin  Category :

Dambiile ku jira xabsiga Mareykanka oo farriin warbaahinta qabsatay u diray madaxweyne xil haya

Joaquín “El Chapo” Guzmán, oo ka mid ahaa dadka sida aadka ah loo doon doonayay ee daroogada ka ganacsada, ayaa billaabay codsi gargaar ah oo uu u dirayo madaxweynaha Mexico.

Mid ka mid ah qareennada “El Chapo’s”, José Refugio Rodríguez, ayaa sharaxay in macmiilkiisu u sheegay xaaladaha uu ku nool yahay xabsiga ADX Florence oo ah xabsiga ugu sarreeya ee gobolka Colorado, ee galbeedka Maraykanka.

Waxaana uu faray inuu la kulmo madaxweynaha Mexico si loo eego suurtagalnimada in uu ku laabto xabsiga Mexico.

“Xaaladiisa waa mid la xiriirta dhanka maskada sababtoo waxaa lagu xiray qol gaar ah,” Rodríguez ayaa u sharaxay raadiyaha Mexico ee Formula.

“Wuxuu ku dhawaaqayin arrintan ay tahay ku xad-gudubka xuquuqdiisa bini’aadminimo wuxuuna iga codsaday inaan u dagaallamo ku soo laabashadiisa Mexico.”

Hase yeeshee Wasiirka Arimaha Dibada ee Mexico Marcelo Ebrard, ayaa yiri:  “ma jirto wax fursad ah oo la xiriirta in Guzman dib loogu celiyo dalkiisa inta uu xukunka ku qaadanayo gudaha Mareykanka.

Laakin Lopez Obrador: “Marka ay xaaladda la xiriirta xuquul insaanka , waxaa jira waddooyin loo maro xiriirka caalamiga ah.”

.

Guzman ayaa lagu ciqaabay xabsi daa’in gudaha Mareykanka ka dib markii lagu helay dambiyo la xiriira ka ganacsiga daroogada sharci darrada ah.

“El Chapo” waxa uu ahaa hoggaamiyaha kooxda Sinaloa, mid ka mid ah urrurada ugu haslista badan Mexico kaas oo loo haysto dilka tobannaan kun oo qof 10-kii sano ee ugu dambeeyay.

“Muddo 6 sano ah qorrax ma arag”

Qareen Rodríguez oo ah Guzman u qaabisan Mexcico ayaa sheegay inuu helay farriin kaga timid El Chapo” Guzmán sannadkii 2021-kii.

“Waxa uu sheegay in muddo 6 sannadood ah oo uu joogay Mareykanka uusan arag wax qorrax ah” ayuu Qareen Rodríguez ku yiri wareysi uu siiyay raadiyaha Formula.

Waxa uu sidoo kale Rodríguez sheegay in macamiilkiisa uu u xaqiijiyay inuu “xanuunsaday” oo ilig laga hayay oo baddalkii laga daaweyn lahaa laga saaray iliggii si uusan mardambe uga sheegan.

Kaliya 6 goor ayay u oggolaadeen inuu waco kuwaas oo kala ah qareenkiisa, gabdhihiisa, walaashii iyo walaalkii. Waxay sidoo kale u oggolaadeen in 3 qof ay soo booqan karaan.

Waxa uu sidoo kale ka andacooday in cuntada la siiyo ay tayadeeda aad u liidato. Qareenka waxaa kale oo uu tibaaxay in Guzman aanan loo oggolayn inuu la hadlo maxaabiista kale ama uu isticmaalo luuqadda Spanish-ka oo ah luuqadda keleya ee uu garanayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*