8th September 2024  admin  Category :

Dalabkii Leyla-yar inta aysan ku geeriyoon Digfeer iyo mahadhadii uu ku reebay kalkaaliso Maraykan ah

Lynn Matthews oo ah haweeney kalkaaliso caafimaad ah una dhalatay dalka Mareykanka, ayaa ka sheekaysay dhacdo aan qalbigeeda ka bixin oo ay Muqdisho kula kulntay 1992-dii, taasoo ahayd gabar yar oo 12 jir ahayd oo iyadoo xabad ku soo dhaawacantay la keenay isbitaalka Digfeer ee Xamar.

Lynn xilligaas waxay ka shaqeynaysay hay’ad caafimaad oo lagu magacaabo International Medical Corps – IMC), taasoo ka howlgalaysay isbitaalka muddo afar bilood ah.

Gabadha yar waxaa lagu magacaabi jiray Leyla, sida ay sheegtay Lynn-nna way is barteen labadoodu markii isbitaalka la keenay, maadaama la jiifiyay qaybtii ay kalkaalisadu joogtay.

Leyla xaaladeeda caafimaad ayaa ka sii dartay waxeyna joojisay cuntadii, wayna tabar yareysay.

Lynn Matthews, oo si joogta ah ula socotay xaaladda sii liidaneysay ee Leyla ayaa ku tiri:”Layla, fadlan, waa inaad wax cuntaa!”

Kadibna Leyla ayaa ugu jawaabtay af-Soomaali, waxayna ku tiri, “waan cuni kari lahaa Tufaax,”. Waxeyse Lynn u sheegtay in halkaan aan Tufaax laga heli karin.

“Laakin Layla, halkan Tufaax ma yaal”.

Maadaama Leyla ku hadleysay luuqadda Soomaaliga qof ayaa markaa u kala turjumayay oo Lynn u sheegayay waxa ay Leylo ku jawaabaysay.

Dhawr maalmood ka dib, ayaan arkay iyadoon ii jawaabeynin. Aabaheed, oo ku hadlayay luuqadda Ingiriiska, ayaa markaan joogey dhinaceeda, wuxuuna ii sheegay in ay u hadleyso sidii qof aan miyir qabin oo kale.

Lynn oo joogto Muqdisho
Qoraalka sawirka,Lynn Matthews oo la sawiran ilmo yar oo Soomaali ah.

“Laabta ayaan gacanta ka saaray waxaana ku iri “Layla”. Intaas kadib Leyla, indhahey kala qaaday, isha midig ayay igu eegtay, waxayna igu tiri, “Lynn” iyo erayo af-soomaali ah oo aanan fahmi karin markaa – turjumaankii wuu maqlay laakiin iima sheegin waxay ay tiri. “Aabaheed ayaa maqlay, oo yiri, “Ma aragtaa? Waa hadal sida qof waalan.”

Markaa kadib Kalkaaliso Soomaali ah ayaa u dhaqaaqday dhankii qolkii Leylo ay ku jirtay si ay Faleenbo u soo siiso, waxaana Lynn ay sheegtay inay aaday qolkii ku xigay qolka Leyla.

Kalkaalisadii Soomaaliyeed markii ay qolkeedii ku soo laabatay, waxaan maqlay bay tiri Lynn buuq, “Sawaxanka iyo qaylada la maqlayay waxay ahayd in ay Leyla geeriyootay.

Lynn ayaa markaa waydiisay qofkii turjumaanka ahaa “muxuu ahaa hadalkii ugu dambeeyay ee ay igu tiri ka hor intii aaney dhiman Leyla?“

Qofkii turjumaanka ahaa oo warkii ugu dambeyay ee Leyla u sheegaya Lynn ayaa yiri wuxuu ahaa: Lynn, waan ku garanayaa. Aaway tufaaxaygii, waan dhimanayaa, nabad gelyo”.

Hadalka aan qalbigeeda ka bixin Lynn Matthews muddo ku siman 32 sano ayaa ah sida ay sheegtay in Leylo maalintaas waxa ay cuni kartay uu ahaa Tufaax, iyana aaney u heli karin

Ku soo laabashada Muqdisho ee Lynn iyo Tufaax ay beertay

Lynn oo booqatay isbitaalka
Qoraalka sawirka,Lynn Matthews oo ku sugan isbitaalka DIgfeer 32 sano ka dib.

Soddon iyo laba sano kadib ayay Lynn Muqdisho, ku soo laabatay waxayna booqatay isbitaalka Erdogan oo horey loo oran jiray Digfeer,

Waxay sheegtay Lynn in xilligaas isbitaalka ay ka jirtay xaalad adag sida koronto la’aan, sariiraha oo yaraa, oo bukaannada qaar ayaa markaa ku jiifay baakado.

Bukaannada qaar ayaa u dhimanayay xitaa daawo la’aan waqtigaas. Waxaa jiray kooxo hubeysan oo xoog ku qaadanayay dawooyinka.

Lynn iyo koox kale oo  geed tufaax ah ku beeraya isbitaalka Erdoğan

“Waxaan xusuustaa sidii uu ahaa 1992-kii isbitaalku haddana maanta 2024-ka oo aan arkay isbitaalkan quruxda badan waxaa jooga dad dhakhaatiir ah aniga waxa ay ii tahay tusaale aad u qurux badan,“ ayay tiri Lynn oo BBC-da kula hadlaysay gudaha isbitaalka.

Lynn waxay sheegtay in aysan cunin in ka badan soddon sano wax Tufaax uu ku jiro, iyadoo u sababaysay in mar walba ay xusuusato markii ay Leyla geeriyoonaysay in wixii ugu dambeyay ay rabtay uu ahaa Tufaax, balse ay heli wayday.

“28 sano ma cunin cunto tufaax ku jiro,” ayay tiri Lynn.

Waxay isbitaalka ku beertay geed Tufaax ah oo Lynn ugu tala gashay Leylo iyo guudahaan carruurta Soomaaliyeed sida ay sheegtay.

“Waxaan ku beeranay geedo tufaax ah waxaanan rajaynayaa xataa in dunidu ay ogaato sheekadeeda Layla,” ayay tiri Lynn.

Waxay sheegtay in sheekada Leylo ay sidoo kale tusaale u noqon karto saameynta colaadaha iyo dilalka micno darrada ah ee ka jira qaybo badan oo caalamka ka tirsan.

Isbitaalka Erdogan ee horey loo oron jiray Digfeer

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*