28th March 2024  admin  Category :

Duulaankii ay soo qaadeen SNM oo ay ku jabeen. Shiddan Media

Degaanka buuralayda ah ee Shidan ayaa waxaa mudooyinka danbe kasocday dagaalo u dhexeeya dadka degen degaanadaas oo kasoo jeeda beesha warsangeli gaarahaan garabsare iyo malayshiyooyin ka tirsan Maamulka SNM oo taageero buuxda ka hela maamulka ceerigaabo ee somalidiidka ah.

 Waxaa dagaladaas lagu gaystay khasaare naf iyo maalba le waxaa lagu gubay hantidii ay lahayeen dadka degan degaankaas oo ah degaan warsangeli Waxaa loo adeegsaday ciidamada marines ah ee somalidiidka iyo military.

 Dadka degaankaas kasoo jeeda waxay marwalba iska difacayeen weeraradaas Iyo gardaradaas qaawan ee lagu hayo, Waxaa saaka ciidanka dhiiran ee xaq udirirka ahi qaadeen talaabo ciidan oo ku aadan tuulo laga dhisayay degaankooda oo maamulka SNM dabada ka riixayay, ayaa ciidanka difaaca oo ku gaashaaman hubka qaybihiisa kala duwan ayaa saaka ku waabariistay tuulada beenta ah ee degaanka Shidan laga dhisay, iyagoo dagaalkaas ku gubay tuulada kuna qabsaday maxaabiis dagaal.

 Sidoo kale  maamulka Ceerigaabo ee Somaliland ayaa maanta duhurnimadi waxayxabsiga dhigeen Boqor Ibraahim Maxamed Xasan (Gacmayare) iyo Guurti Siciid Maxamud (Siciid  Bidaar) oo kasoo jeeda deegaanka dagaalku saaka ka qarxay ee Shidan.

Balse maamulka SNM ee ka taliya magaalda Ceerigaabo majirto cid laga xidhay beeshii kale oo ay deegaanka isku hayeen  oo gardarada iyo tacdiga joogtada ah ku haysay deganadaas lk odayaasha beesha Warsangeli oo nabada u fadhiyay bilaha doonayna inay guud ahaan nabad kusoo dabaalaan arintaas waakuwaas jailka loo taxaabay Sidoo kale waxa magalada Ceergaabo iskaga soo baxay maanta duhurnumadii Suldaan Axmed Bashiir Ducaale oo kaso jeeda isimada deegaanka Yube wuxuna magalada u joogay arinta Shidan iyo sidii xal looga gaari lahaa Isku soo wada duub waxaa gobolka Sanaag kasoo cusboonaatay xaalad dagaal oo ay dabada ka riixayaan maamulka muse biixi oo ku salaysan dhulboob barakicin iyo bulshada halkaas ku dhaqan oo la baabiyo xag dhaqan dhul iyo dhaqaale 

Shiddan Media

Warning: Attempt to read property "comment_ID" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 677 Warning: Attempt to read property "user_id" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 28 Warning: Attempt to read property "comment_ID" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 48 Leave a Reply to Anonymous Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*