28th March 2024  admin  Category :

Wararka naga soo gaaraya gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidanka Liyuu Booliska dawlada deegaanka Soomaalida iyo kooxda Al-Shabaab uu maanta ka dhacay aaga Laasqurun oo 20 km u jirta degmada Feerfeer.

Sida aan xogta ku helnay, waxaa dagaalkan qaaday ciidanka Liyuu Boolis ee dawlad deegaanka Soomaalida.

Ilaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkii maanta.

Dhinaca kale, madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ayaa magaalada Godey kula kulmay ciidamo xoojinaya amniga xuduudda Itoobiya ay la leedahay Soomaaliya.

Dhinaca kale culimada degaanka Soomaalida ayaa iyaguna cambaareeyey weerarka Al-Shabaab ay ku qaadday degaankaas.

Culimada ayaa ka digay in fikirka Al-Shabaab uusan hoy ku yeelan maamulkaaas, sida ay sheegeen culimada oo baaqooda laga soo daayey telefiishanka ku hadla codka gobolka Ismaamulka Soomaalida.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*