23rd October 2024  admin  Category :

Dagaal ka dhacay Mareero oo qiyaastii 10km dhanka bari kaga beegan Bosaso

Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhintay afar kalena waa ku dhaawacmeen dagaal saaka ka dhaacy tuulada Mareero oo qiyaastii 10km dhanka bari kaga beegan  magaalada Bosaso ee xarunta gobolka bari.

Dagaalka ayaa dhexmaray ciidamada Amniga gobolka Bari iyo malayshiyaad hubaysan oo kuwa wax tahriibiyaa kuwaasi oo shalay dil u geystay askari ka tirsan ciidanka madaxtooyada dowladda Puntland.

Ciidamada Amniga ayaa saaka weerar ku qaaday tuulada Mareero oo ay ku sugnaayeen malayshiyaadka waxaana dagaal khasaare geystay kadib ciidamadu gacanta ku dhigeen qaar kamid ah malayshiyaadkaasi.

Dhaawacyada ka dhashay dagaalka ayaa haatan lagu dabiibayaa isbitaalka magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Image result for deegaanka mareero bari

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*