7th September 2024  admin  Category :

Dadka ku haray Laascaanood oo wajahaya xaalad adag

Dadka ku haray magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayaa shegay in cuno yaraan iyo biyo la’aan xooggan ay soo waajahaday, islamarkaana aysan heli karin meelo ay wax ka iibsadaan.

Inkastoo dagaalka Laascanood uu qaboobay labadii maalmood ee lasoo dhaafay, haddana waxaa laga baqayaa xaalad bani’aadannimo.

Wakiilada beesha caalamka ee fadhigooda yahay magaalada Muqdisho oo ka hadlay colaadda Laascaanood ayaa Talaadadii sheegay inay si xoog leh u cambaareynayaan sii socoshada dagaalka, kaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur xooggan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*