16th September 2024  admin  Category :

Dadka hawlgabka noqdo ee Soomaaliya ‘oo lacag heli doona’, sharci la ansixiyay ayaa damaanad qaadaya

Aqalka sare ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa maanta meelmariyey hinde Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka shaqaalaha rayidka ee Soomaaliya kaas oo hore uga soo gudbay aqalka hoose ee Golaha shacabka.

Hindise sharciyeedkaan ayaa ka kooban laba qodob oo kal ah; xuquuq siinta dadka hawlgabka noqda marka ay gaaraan da’da 65 sano iyo xuquuqsiinta dadka hawlgabka noqda iyaga oo muddo intaas ka yar shaqaale u ahaa hay’adaha dawladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa geeriyooda iyaga oo ku jira shaqada dawladda.

Wasiiru dowladaha wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya, Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa BBC-da u sheegay in sharcigaan uu muhiimad u leeyahay shaqaalaha dowlada si ay u helaan xaquuqaadkooda marka ay shaqada qaranka ay u hayaan ka baxaan.

‘‘Wuxuu sharcigan soo maray dhamaan haya’adda sharciga ee dalka sida Xukuumada iyo labada gole barlamaanka, wuxuuna sugayaa si uu dhaqan gal u noqdo saxiixa Madaxweynaha Soomaaliya. ” ayuu BBC da u sheegay Wasiir Yuusuf.

Waxa uu sheegay in la dhisi doono hay’ad ka shaqayn doonta xuquuqsinta dadka u shaqeeya dawladda marka ay hawlgab noqdaan.

Maxay yihiin shuruudaha ku xiran in qofku helo xaquuqda howlgabka Soomaaliya?

XEERKA HOWLGABKA
Qoraalka sawirka,Wasiiru dowladaha Shaqada iyo arimaha Bulshada Soomaaliya Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan

Sida uu BBCda u sheegay wasiir Yuusuf Maxamed Aadan, Hindise sharciyeedkaan ayaa qeexaya waajibaadka xaquudeed ee uu helayo qofka u shaqeeya dowlada, laga bilaabo maalinta uu dhaqan galo kuwaas oo isugu jira dhaqaale iyo xaquuqaad kale.

Kuma jiraan dadka xaquuqda howlgabka helaya dadkii hore dowlada ugu soo shaqeeyey ee shaqada ka fariistay ka hor ansixinta sharcigaan, sida uu BBC-da u sheegay Wasiir Yuusuf.

Shuruudaha ku xiran in xaquuqda howlgabka uu helo qofka ayaa ah in uu da’ ahaan uu shaqaaluhu gaaro 65 sano iyo in uu muddo tobban sana ah u soo shaqaynayey dowlada. Waxaase jira xaquuq ka duwan oo ay helayaan kuwa an intaas buuxin.

Sidee sharcigu u shaqeyna doonaa?

Hinde sharciyeedkan ayaa dhigay in qofka dowlada u shaqeey laga jarayo mushaarkiisa boqolkiba shan 5% inta uu ku jiro shaqada. Sharcigaan ayaa wada saameyn doona guud ahaan shaqaalaha rayidka ee dawladda.

halka marka uu gaaro da’da howlgabka ee lixdan iyo shan sano jir uu heli doono 70% mushaarkii uu qaadan jiray bilkasta, sida kale qiimo intaas la eg ayaa waxaa qaadan doona ilmihii uu ka tagay qofkii geeriyooda isaga oo haya shaqada dawladda, sida uu BBC u sheegay wasiirku.

‘‘Haddi uu wiil yahay [ilmahaas] wuxuu qaadanaya ilaa uu gaaro 18 sano, haddi ay gabar tahay ilaa ay ka guursanayso, haddii uu naafo yahayna wuu qaadanayaa [waligiis],” ayuu BBC u sheegay wasiirku.

Isagoo ka hadlayey Wasiirku sida uu noqonayo xaalka qofka geeriyooda isagoo ku jira gudashada waajibaadkiisa shaqa walina gaarin xeerkii howlgabka iyo muddo shaqayntii dowlada ayuu BBC-da u sheegay in caruurtiisa ay helayaan xaquuq la mida tan qofka buuxiyey shuruuda howlgabka oo ah 70% boqolkiiba mushaarkiisa.

Waxaa jira shaqaale dowladeed oo rayid ah oo an gaarin da’da lixdan iyo shan sano jir ama aananba u shaqaynayn dowlada muddo toban sana ah, kuwaas ayuu Wasiirka Yuusuf Sheegay helayaan qaybta la yiraahdo Liiltir.

‘‘Waxaa jira dad laga yaabo inay sagaal ama siddeed sano u shaqaynayeen dowlada oo gaaray da’ada howlgabka ama mudda an buuxin tobbonka sanaa kuwaas ma helayaan lacag u dhacda bil kasta ee waxaa hal mar loo xisaabinayaa mudda ay shaqadda ku jireen hal mar ayaana la siinayaa waana Liiltir” ayuu yiri wasiir Yuusuf.

Lacagtan ayaa ka imaanaysa labo jiho oo kala ah mid qofka laga jarayo mushaarkiisa oo ah boqolkiiba shan iyo mid dowladu ku darayso oo ah boqolkiiba shan kale taas oo wadar ahaan ka dhigaysa boqolkiiba toban.

.

Xasan Abshiroow waa Gudoomiyaha guddiga qaran ee shaqaalaha rayidka dowlada federalka, wuxuu aaminsan yahay in sharcigaan uu fursad wayn u yahay shaqaalaha rayidka ee dawladda Soomaaliya.

‘‘Waxaa jjra shaqaale badan oo hadda galaya da’ada howlgabka waa inay helaan damaanad qaad iyo in la ilaasho xaquuqaadkooda. Waxaa jira kuwo ku dhaawacma ama ku dhinta iyagoo shaqada dowlada ku jira marka waa wax weyn inay heli doonaan xaquuqadkooda waana mid dhiiri galinaysa shaqaalaha rayidka ee dowlada” yuu yiri gudoomiye Xasan.

Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya ayaa ka hor sharcigan heli jirin wax xaquuq muddii burburka ka dib, haddii uu geeriyoodo ama uu gaaro da’da shaqada looga fariisto.

Dhanka kale maamul goboleedyada Soomaaliya ayuu sheegay wasiirku in ay u baahan doonaan inay sameystaan sharci u gooni ah, iyaga oo ku slaaynaya sharciga guud ee dawladda.

Sharcigan ayaa shaqadiisu soo bilaabatay sanadkii 2021-kii, Bangiga Adduunka ayaana dowlada Soomaaliya ka taageeray dhanka maaliyada iyo farsamada khuburada diyaarisay sharcigan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*