8th September 2024  admin  Category :

Ciidamada PMPF, gaar ahaan cutubyada Badda oo gulufyo balaadhan oo isdaba jooga ka wada Badaha Puntland ayaa habeenimaddii xalay gacanta ku dhigay Hubsharcidaro ah, gaadiidkii wadey iyo 4 dambiile oo watey, kuwaas oo si dhuumaalaysi ah kusoo gelinaayey magaalada Boosaaso.

Hubkan sharcidarada ah oo isugu jirey noocyada kala duwan ee hubka ayay ciidamadu dhammaantood gacanta ku dhigeen, waxaana uu hawlgalku kusoo dhammaaday guul.

Taliska guud ee ciidamada PMPF waxa uu digniin adag u dirayaa cidkasta oo ku hawlan ka ganacsiga hubka sharcidarada ah iyo dembiyada kale ee ka dhan ka ah Amniga Puntland, ciddii falalkaasi lagu qabto waxaa la horgayndoonaa sharciga, iyagoo mutaysandoona ciqaab adag.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*