30th September 2022  admin  Category :

Dad ku dhaawacmay iska hor’imaad ka dhacay G/diyaaradaha Laascaanood

Inta la xaqiijiyey 4 qof aya dhaawacmay kadib iska hor imaad saaka waabari ka dhacay garoonka diyaaradaha Laascaanood.

Kooxo qaadlayaal ah ayaa isku rasaaseeyey garoonka kadib markii laysku qabsaday diyaarad siday qaad oo labada dhinac ay isku maandhaafeen imaanshaheeda.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradii siday qaadka ay qudheeda xabado ku dhaceen iyadoona isla markiiba garoonka dib uga duushay.

Mudooyinkii udanbeeyey waxaa jiray muran la xiriiira soodejinta qaadka mirooga ee ka yimaada kenya kaasi ay isku hayeen ganacsato qaadwaleyaal ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*